Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Socdaal Ugu Baxay...

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Iyo Wefti Uu Hogaaminayo oo Socdaal Ugu Baxay Itoobiya

0
699

 

 

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Musharraxa jagada Madaxweynahaee Xisbiga Mucaaridka ah ee  WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa galabta socdaal ugu baxay dalka Itoobiya, ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Raysalwasaaradaha dalkaasi Mr.Hailemariam Desalegn.

Socdaalkan Musharrax Cirro, ayaa waxa ku wehelinaya hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan,Pro.Maxamed Alla-bari oo isna ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI, xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo sida oo kale madaxa hawl-wadeenada shaqaalaha ee Murashax Cirro Aqoonyahan Baashe Yuusuf.

Murashax Cirro iyo weftigiisa, ayaa la filayaa in ay dalka Itoobiya  ku maqnaadaan muddo dhowr cisho ah, waxaana la filayaa in halkaas kulamo khaasa kula qaadan doonaan raysal wasaaraha dalka

Socdaalka weftiga Musharax Cirro ayaa ku soo beegmay  ka soo noqoshada dalka Itoobiya wefti kale oo uu hoggaaminayay musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo socdaal laba maalmood qaatay ku tegay dalka Itoobiya isla markaana kulamo  la yeeshay intay dalkaa joogeen madaxda Itoobiya oo uu ugu horreeyo Raysal-wasaaraha dalkaas Hailemariam Desalegn.

Maaha markii ugu horraysay ee madaxda asxaabta Somaliland ay isu waydaartaan socdaalada dalka Itoobiya.

Xogsoor Media.Net

X ogsoormedia24@gmail.com

Abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here