Halkan ka Dhegayso Barnaamijka Qoyska oo Todobaadkan ka Hadlaya Mawduuc Aad Muhiim ugu Ah Nolosheena

0
998

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- waa mar kale iyo barnaamijkii Arrimaha Qoyska  oo aad todobaadkiiba mar ka dhegaysataan Degelka wararka ee Xogsoor Media.Net

Barnaamijka Qoyska oo ay soo diyaariso Wariye Ikraan Siciid Diiriye,ayaanu marba dhan kaga eegnaa caqabadaha ku iman kara jiritaanka qoyska iyo dhibaatooyinka u baahan in laga hor tago ama haddii ay jiraan lagama maarmaanka ay tahay in xalkooda iyo dawayntooda la helo.

Waxaan wada ogsoonahay in Qoysku ka kooban yahay labada waalid(Aabbo iyo Hooyo) iyo Carruur.

Haddaba waxaa jira in ahmiyadda ugu weyn ee Qoysku in ay tahay ilaalinta iyo dhawrista jiritaanka qoyska markasta oo qoys wanaagsan la helana waxaa soo baxaya jiilal wax ku ool ah oo ah midhaha qoyska wanaagsan o ubadka ah,laakiin haddii qoyska oo aynu soo sheegnay in uu ka kooban yahay labada waalid iyo ubad haddii alle kala siiyo,haaddii hooyada iyo aabbaha uu khilaaf soo kala dhex galo oo uu qoyskaasi burburo waxay dhibaato ku keentaa siidhkii ama midhihii beerta qoyska ka baxay oo carruurta ah taaso gayaysiisa in ay jidka saxda ah ee nolosha ka lumaan duruuftaas oo dhibaato ku ah guud ahaan umadda uu ku bato qoys bur burku oo wayda jiilal iyo ubad facood hogsada oo u soo kaca.

Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa barnaamijka qoyska o todobaadkan ka hadlaya duruufaha nololeed ee ay ku nool yihiin carruurta darbi jiifka ahaan jirtay  ee magaalada Hargeysa ee hada lagu hayo xarunta carruurta ee degmada Maxamed Mooge si ay bulshadu ugu baraarugto dhibaatooyinka ay qabaan iyo xaaladooda guud isla markaana la dareensanaado in ay la mid yihiin ubadka kale ee waalidkood kool koolinayo ee tacliin,cunno iyo labisba ay diyaarka ula yihiin.

Xilligan oo aynu ku jirno wakhti dhaxantu aad u badan tahay isla markaana ubadkii hoyga lagu daryeelayay ee waalidkood dhar dhaxameedka iyo huga kala duwan gaashaanka uga dhigayba ay dhaxan ka cabanayaan in aynu wada dareeno baahiyaha nololeed ee ay caruurteeda darbi jiifka ahi ay qabaan isla markaana qofkasta oo awoodi karaana uu ku baraarugsanaado in uu xil dhankiisa ka saaran yahay oo uu taakulo awoodiisa ah ku caawiyo.

Haddaba waa tan wariye Ikraan Siciid Diiriye oo   barnaamij soosaare ka ah Barnaamijka Qosyka ee Xogsoor Media.Net

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here