Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland SarreeyeGaas Nuux Ismaaciil Taani,ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ciidanka qaranka Somaliland munaasibadda sanad guurada 24 aad ee ka soo wareegtay aasaaskiiciidanka qaranka Somaliland oo ku beegnayd maanta oo jimce ah.
Taliyaha ciidanka Qaranka Sarreeye gaas,ayaa dhambaalkiisa hambalyada ah u diray guud ahaan ciidanka qaranka Somaliland saraakiisha saraakiil xigeenada iyo dablayda ee ku kalasugan fadhiisimada kala duwan ee dalka.

Waxaanu ALLE uga baryay guud ahaan ciidanak qaranka,carruurtooda iyo xaasaskooduba in ay sanadka sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo iyo caafimaad qab iyo cimri dherar.
Dhinaca kale munaasibad ballaadhan oolagu xusayo sanad guurada 24,aad ee ciidanka qaranka,ayaa lagu qaban doonaa taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland
Waxaa kaloo xusas la xidhiidha munaasibadda aasaaska ciidanka qarankalagu qaban doomaa gobolada dalka.
Xogsoor Media.Net
Xogsoor Media24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland











