MABAADII’DA ASAASIGA AH EE DOORASHADA 31ka May, 2021  

0
537

MABAADII’DA ASAASIGA AH EE DOORASHADA 31ka May, 2021  

MAXAY?

 

Waa Maxay Doorashada Isku Sidkan ee Golleyaasha Wakiilada iyo Deegaanku?

Doorashada la qaban doono 31ka May, 2021, ayaa ah Doorasho isku sidkan oo loo qabanayo Golaha Wakiilada iyo Deegaanka. Waa doorashadii 2aad   ee Golaha Wakiilada iyo tii 3aad   ee Golaha Deegaanka ee dalka ka dhacda. Doorashadan ayaa la rajaynayaa in ay ka qayb qaataan muwaadiniintii isdiiwaangeliyay 2015- 2016 iyo kuwii isdiiwaangeliyay 2020-2021 isla markaana qaatay kaadhkoodii codbixinta muddadii ay kaadh qaybintu socotay.  

 

Doorashadan ayaa ka dhici doonta in ka badan 2,709 goobood oo ku baahsan 23 ka degmo doorasho ee ka tirsan 6da  gobol ee Somaliland  oo ay ka hawlgeli doonaan:

  • Shaqaale toos ah oo u xil saran habsami socodka coddaynta iyaga oo caawimo siinaya ciddii loo arko in ay u baahan yihiin caawimo
  • Ciidanka amaanka
  • Muraaqibiin maxali ah: waxa ka reeban in ay codbixiyaan
  • Muraaqibiin madani ah

WAAYO?

 

Sababta loo qabanayo doorasho?

Sababta ugu weyn ee codbixintu u dhacayso ayaa ah in lagu dhaqmo qodobada dastuurka ku qoran ee sheegaya qabashada doorasho ay ku tartamayaan musharixiin ka kala socda saddexda xisbi qaran.

Doorasho ay shicibku wax doortaan ayaa waxa ay ka mid tahay tiirarka dimuqraadiyadda oo ah hab lagaga guuray hannaankii beelaha loona guuray mid qaran oo shicibku xor u yahay cidda uu dooranayo, iyaga oo rabitaankooda ku saleeya mid shakhsi oo aan cidi u doorayn, si shacabku wax u doorto ayaa waxa suurto geliya komishanka doorashooyinka qaranka oo diyaariya qorshihii lagu doorasho nabad ah lagu qaban lahaa. Bulshada inta codaysa oo kaliya ayaa go’aamin doonta mustaqbalkooda iyo mustaqbalka intii aan codeyn, natiijada doorashada Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka ayaa ku salaysan in guushu raacdo musharaxiinta ugu tirada bata codadka guud.

 

KUMA?

 

Waa ayo Dadka Ay Khusayso Codbixinta doorashadu?                    

Sida caadadu tahay buug gacmeedka wacyigelinta ee doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Wakiilada iyo Deeganku waxa ay khusaysaa qaybaha kala duwan ee bulshada. Bulshadan ayaa leh go’aan codbixineed iyaga oo hanaanka iyo habka doorashada lagu codaynayana ka helaya shaqaalaha wacygelinta ee ururada maxaliga ah. Xulashada iyo soo bandhigida fariimaha wacyigelinta ee ku haboon qaybaha bulshada ayaa caawisa in fariin walba loo asteeyo cidda ay ku haboontahay, sida ay ugu haboon-tahay iyo goorta ay ugu haboon tahay ee loo gudbin karo, si kor loogu qaado saamaynta guud ee wacyigelintu ku leedahay codbixinta. Tusaale: marka la isticmaalayo fariimaha qoraalka ah sida boodhadhka, buug tilmaameedka wacyigelinta iyo warqad xaqiiqeedka ka jawaabta su’aalaha inta badan la is waydiiyo iwm, xaqiiqda jirta ayaa ah in heerarkeeda aqooneed kala duwanyihiin, sidaa daraadeed fariimaha wacyigelinta mar walba la eego cidda iyo goobaha  ay munaasib ka ku yihiin sida jaamacadaha, goobaha dhallintu iskugu timaado, xarumaha ururada bulshada rayidka iyo ururada aan dawliga ahayn ee bulshada u shaqeeya.

 

Bulshada ayaa ay tahay in ay ka taxadiraan wixii dalka iyo dadka khalkhal ama qalalaase ku abuuri karaya maxaa yeelay ku dhawaaqista natiijada codbixinta wax mar walba la sugayaa in musharaxiin soo baxaan qaar kalena ay hanan kari waayeen rabitaankii bulshada.

 

Fariimaha wacyigelinta ee Doorashada

 

 

 GOORMA?

 

Goorma ayaa Doorashadu dhacaysa?

Doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka waxa loo dareeri doonaa 31ka bisha May, 2021, taasi oo ku qabsoomi doonta mudo 11 saacadood gudahood ah:

 

  • Xarun kasta oo codbixineed waxa ka codeyndoona oo kaliya dadka ku xusan liiska codbixiyeyaasha ee goobta
  • Xarumaha doorashada ayaa waxa ku sugnaan doona shaqaale hawsha si toos ah u qabanaya
  • Muraaqibiinta xisbiyada iyo kormeerayaasha oo hubinaya habsami socodka iyo hufnaanta doorashada, tirinta codadka ee heer goob codbixineed.

Saacdaha shaqada ee Codayntu waxa ay bilaabi doonaan 7da subaxnimo waxa ay dhamaan donaan 6da makhrib nimo,

HALKEE?

 

Hanaanka codbixinta?

Shuruudaha Codbixiyaha

Hadaba si doorashadu u noqoto mid midho dhal ah, waa in codbixiyuhu buuxiyo shuruudahan hoos ku xusan:

  • Waa inaad tahaye muwaadin reer Somaliland ah
  • Waa in aad ku sugantahay dalka degmeda ama tuulada aad ka codaynaysid
  • Da’adadu ka yaraan 15 sano maalinta doorashada.
  • Waa in aad xor tahay oo aanad xabsi ku jirin
  • Waa in aad tahay codbixiye ku diiwaangashan goobta uu ka codaynayo

 

(xuquuqda codbixiyaha)

Codbixiye kasta oo buuxixya shuruudaha codbixinta ee kor ku xusan waxa uu xaq u leyahay wax aka mid ah:

In uu codkiisa ka dhiibto goobta ugu qoran kaadhkiisa codbixinta xagiisa danbe taasi oo ah goobta uu yaalo diiwaanka codbixiye yaasha ee magaciisu ku jiro.

Codka ayaa ahaan doona mid shakhsi ah, xor ah, toos  ah, qarsoodi ah si siman loo tixgeliyay.

Codbixiye kastaa wuxuu yeelanayaa hal cod oo kaliya oo uu ugu codeeyo Golaha Wakiilada iyo Hal Cod oo uu ugu codeeyo Golaha Deegaanka.

 

Goobehee ayay  doorashadu ka dhaci doontaa?

Doorashada yaa waxa ay ka dhici doontaa in ka badan 2,709 goobood u ku baahsan lixda gobo ee Somaliland.

Goobahan ayaa ah kuwii diiwaangelinta iyo kaadh qaybintu ka dhacday, waxa suurto gal ah in goobaha qaar ay goobtu noqoto mid ka duwan  tii kaadh qaybinta balse ku dhaw, sababta ayaa ah goobaha qaarkood oo si gaar ah loo leeyahay isla markaana mulkiilihii uu sifo kale u isticmaalay ka dib kaadh-qaybinta.

Sidoo kale hadii tirada dadkii iska diiwaangeliyay goobtu bataan, waxaa loo kala jabin doono qaybo kale iyadoo goob u muuqata goobtaas uun dadku ka codayn doontaa.

Hadiiba goobtu ahayd mid si gaar ah loo leeyahay waxa khasab ah in goob ku dhaw la helo taasi oo u muuqata tii hore si dadku si fudud u helaan.

Goobahan ayaa sida kor ku xusan waxa ka codyn doona oo kaliya dadka ku jiira diiwaanka codbixiyeyaasha ee goobtaas.

 

Ka codee gootba ku xusan kaadhka  

Sababta diiwaangelinta loo qabtay ayaa waxa ay ahyd in la helo liis ama diiwaan ay ku qoranyihiin dadka codabixiye yaasha ah liiskan ayaa hadaba ujeedkiisu tayahy.

 

  • In goobta uu ka codeeyo oo kaliya qof ku jira liiska/diiwaanka codbixiyaha.
  • Si loo cayimo waraaqaha codbixinta ee goobta
  • Si loo xaqiijiyo in tirada ka codaysay aanay marnaba ka badnaan tirada liiska codbixiyeyaasha ku jirta
  • In aanu qofna wakhtiga iskaga ridin goob aanu cod ku lahayn
  • In qof kasta oo aan is diiwaangelin ama aan qaadan kaadhkiisii anu marnaba codayn karyn.

 

Sidee qofku u codayn doonaa:

Tallaabada 1aad Fadlan hore u soo qaado kaadhka codbixinta:

Codbixiyuhu waa in uu hore usoo qaataa kaadhkiisi codbixinta isla markaana tago goobta ugu qoran kaadhka xagiisa danbe, tan ayaa waxay sahlaysaa in codbixiyuhu si fudud oo sharciga waafaqsan u codeeyo isaga oo aanu wakhti ka lumen

 

Tallaabada 2aad: u gudbinta kaadhka codbixinta gudoomiye ku xigeenka goobta

kaadhka codbixinta u dhiib gudoomiye ku xigeenka goobta si uu u hubiyo in aad joogto goobtii saxda ahayd iyo inkale, sidoo kalena u hubiyo in ay tahay markii 1aad ee aad codaynasid si ay codbixintu u noqoto mid lagu kalsoon yahay

 

Tallaabada 3aad:  ka baadhista codbixiyaha  liiska codbixiyeyaasha goobta

Si loo hubiyo in aad ku jirto liiska codbixiyayaasha goobta u gudub xog-haya, marka uu liiska kaa helo waxa uu liiska ku qori lambarka khaaska ah ee kaadhka, isaga oo liiskana qalincas ku calaamadinaya intaa ka bacdi  saxeex suulkaaga bidix. Tan ayaa waxa ay hubinaysaa in liiska codbixiyeyaasha iyo tirade codaysay mar walba is yeeshaan

 

Tallaabada 4 aad:  gudoonsiinta codbixiyaha warqada codeynta

Si laguu siiyo warqada codeynta, kaadhka codbixinta u dhiib gudoomiyaha goobta, fadlan iska hubi warqada codbixintu in ay shaabadii goobta leedahay, aanay wax jeexdin ah lahyn ama wax qoraal/calaamad hore ah.

 

Tallaabada 5 aad: illo xidhyada goobta iyo warqad calaamadinta

Kaadhka codbixinta u dhiib nidaamiyaha goobta adiga oo usii gudbaya mid ka mid ah ila-xidhyada si aad u calaamadiso warqada codaynta. Iska jir in hal musharax wax ka badan aad u calaamadiso xayndaabkiisa si aan codkaagu u guban.

Isla sidoo kale hadii aad u baahantahay in laguu calaamadiyo, waxa ku caawin doona gudoomiyaha goobta isaga oo codbixiyaha waydiinaya musharaxa uu doonayo in uu codaynayo ayaa waxa markhaati ka noqonaya muraaqibiinta xisbiyada ee goobta

 

Tallaabada 6 aad: Sanduuq ku ridista warqada codbixinta 

Marka aad calaamadiso warqada codbixinta isku lab, si taxadar lehna ugu rid sanduuqa codeynta ee goobta.

Tallaabada 7 aad: Khadaynta faryarta bidix ee codbixiyaha

Mar kale ku noqo nidaamiyaha goobta si faryarta bidix khadka loogu calaamadiyo, sidoo kalena aad kaadhkaagi codbixinta hore usii qaadatid maxaa yeelay kaadhka waxa aad ku codeyn doonta  doorashooyinka danbe

 

Tallaabda 8 aad: Fadlan si nidaamsan uga bax goobta codbixinta.

Ciqaabta xadgudubka

 

Xeerka doorashada xeer Lr 20/2001 qodobkiisa 67aad ayaa waxa uu sheegaya in qofkasta oo lagu cadeeyo khaladaadkan oo badheedh ah uu mutaysan doono ganaax lacageed iyo/ama xadhig

  1. Qof kasta oo la yimaada goob-codbixineed kaadh codbixineed oo annu lahayn, isaga oo ujeedadiisu tayahay in uu ku codeeyo, ama waraaqo codbixineed oo dheeraad ah waxa uu galay danbi waxaana uu mutaysanayaa ciqaab dhan hal sano ilaa laba sanno oo xadhig ah, ama ganaax lacageed oo dhan 2,000,000/= ilaa 3,000,000/= (laba ilaa saddex milyan oo shilin Somaliland ah)
  2. Qof kasta oo kaydsada kaadhadh codbixineed oo cid kale leedahay isaga oo ujeedadiisu tahay in uu maalinta codbixinta si qaldan uga faa’iidaysto waxa uu galay danbi waanu mutaysanayaa ciqaab dhan lix bilood ilaa laba sanadood oo xadhi ah iyo/ama ganaax lacageed oo dhan 5,000,000/= ilaa 2,000,000 oo shilinka Somaliland ah
  3. Qof kasta oo sameeya, qaybiya, qaata ama sifo kalaba u adeegsada kaadh codbixineed oo been abuur ah ama waraaqo codbixineed oo been abuur ah, waxa uu galay danbi waxanu mutaysanayaa ciqaab dhan saddex sanno ilaa lix sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 5,000,000/= ilaa 10,000,000/= (shan ilaa toban milyan oo shilin Somaliland ah)
  4. Waxa reeban in goobta codbixinta laga ololeeyo, cod-bixiyeyaasha laga hor istaago ama loo diido in ay codeeyaan, la hadido, la laaluusho ama khalkhal gelin lagu sameeyo nidaamka goobta codbixinta. Qof kasta oo falkaasi ku kacaa waxa uu galay danbi, waxanu mutaysanayaa ciqaab dhan lix bilood ilaa saddex sano oo xadhig ah iyo/ama ganaax lacageed oo dhan 1,000,000/= ilaa 3,000,000/= oo Somaliland shilin ah.
  5. Qof kasta oo xoog u adeegsada ama ugu hanjaba inuu xoog u adeegsanayo, hawl-wadeenada goobta codbixinta, joojiyana hawsha goobta codbixinta, waxa u galay danbi, waxana uu mutaysanayaa ciqaab dhan lix bilood ilaa 5 sanno oo xadhig ah iyo/ama ganaax lacageed oo dhan 1,000,000/= ilaa 5,000,000/= oo shilin Somaliland ah
  6. Hawlwadeenkasta oo fududeeya in la musuqmaasuqo natiijada goobaha cobixinta, ama wax is daba marin ku kaca, waxa uu galay danbi, waxana uu mutaysanayaa ciqaab dhan 3 sanno ilaa 5 sanno oo xdhig ah iyo ganaax lacageed oo 1,000,000/= ilaa 5,000,000/= oo shilin.
  7. Hawlwadeen kasta oo si ula kac ah u burburiya, qariya, ama baabiiya waraaqaha codbxinta, natiijada codbixinta ama qalabka goobta codbixinta waxa uu galay danbi waxana uu mutaysanayaa ciqaab dhan hal sanno ilaa laba sano oo xadhig ah, iyo/ama ganaax lacageed oo dhan 1,000,000/= ilaa 3,000,000/= oo shilin Somaliland ah.

 

Macluumaad dheeraad ah:

Wixii faahfahin ah ee xag, sharci, wacyigelin, ama qorshe fadlan ka daalaco

  1. Xeerka Guud ee doorashooyinka iyo Diiiwaangelinta Xeer Lr.20/2020. Qoddobadiisa
  2. Buug gacmeedka wacyigelinta 2020 ama
  3. boga internet ka komishanka ee slnec.com, facebook@slnec, twiter@slnec

 

 

 

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hrgeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here