Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Hargeysa: Qoys 15 Sano Dhulkoodu u Xayiran-yahan Lacag Baad ah Cashuurina Aanay...

Hargeysa: Qoys 15 Sano Dhulkoodu u Xayiran-yahan Lacag Baad ah Cashuurina Aanay Ku Baaqan oo Farriin Dawladda u Diray

0
686
Hargeysa -(Xogsoornews.com)- Marwa Haweeya Xasan Wacays ayaa sheegtay in muddo shan iyo toban sanno ah waxaa dhulkoodu bannaan dhismihiisu u xayiran yahay ay tahay lacag baada oo laga rabbo, islamarkaana haddii ay bixiyaan ay dhisanayaan, iyada oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan sharciyaddii looga baahnaa dhismaha dhulkaasi ay leeyihiin.
Sidoo kale waxaa ay xustay in Xayirad aanay ilaa hadda aqoonsan meel ay dhulkooda kaga socoto ay keentay in dhulkoodu noqdo keyn jiq ah oo geedka Garaangu ka baxo, waxaanay intaasi ku dartay in dhagxaantii ay ugu tallo galeen in ay wax ku dhisaan badankooda laga raray meesha islamarkaana wax yar oo baaqi ahi hadda yaallaan.
Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, taliyaha ciidanka booliska sarreeya gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, duqa caasimada Hargeysa, guddoomiyaha maxkamadda sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ugu baaqday in arrinta dhulkaasi wax lagala qabto maaddama ay muddo shan iyo toban sannadood ah ay u soo dulqaadanayeen.
Caddeymaha ay dhulkani ku mulkiyaan marwadan iyo reerkdoodu ayaa gaabi ahaanba u dhammeystiran, balse sharcigaasi aanu noqon mid ka shaqeeyaa waaxaha dawladda hoose ee degmadda Koodbuur.
Waraaqaha dhulkani ay ku mulkiyeen sidoo kalena ay ku dhiseen gurigan waxaa ku qoran islamarkaana si wada jira ugu saxeexan, Hooyo Faadumo Maxamed Cilmi, iyadda oo ka wakiila wiilkeeda Maxamed Maxamuud Xasan, iyo mulkiilaha ka iibiyay dhulkani Xuseen Xirsi Shire.
Qoyskani ayaa dhinaca Koonfureed ka xiga Dhaamka Jig-jiga yar ama loo yaqaano ‘Dhaamka Xeradigaagta’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here