Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Mawqifka Xukuumaddiisa ee Dagaalka Gazza

0
257

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa ka hadlay mawqofkiisa dagaalka ka socda Gazza iyo duulaanka Isra,il ay ku hayso dadka Reer Falastiin.

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu caddeyay in ay ka Xukuumad ahaan iyo dawlad iyo Shacbi ahaanba ay garab taagan yihiin  Falastiin iyo Xamaas.

Waxaa kale oo uu wax lala yaabo ku tilmaamay aamusnaanta iyo gacan siin la.aanta dswladaha Carabta ee ku daawanaya gaadka iyo xasuuqa ku socda shacabka reer Falastiin

“Waxaad ogtihiin waxaa ka socda Gazza iyo Falastiin iyo sida loo gumaadayo xalay oo ugu dambaysay waxaa lagu dilay duqayn bad dhul iyo cirba laga garaacay dad ka badsn laba boqol oo u badsn dumar iyo carruur.

Inkastoo aanaan lahayn awood ugu gurmano mid ciidan na aanan gaadhsiin karayn waxaan garab taagan nahay Falastiin oo aanu la qayb sanaynaa Murugada oo aanu doonayna i  ay xuquuqdeeda hesho oo ay dawlad Xor ah noqoto”

Madaxweynaha Somalilsnd waxaa uu ka hadlay is garab taagga dawladaha rerr Galbeedka ee Yuhuudda sida cad ula saftay iyo gardarada ay ku gacan siinayaan Israaiil.

“Mee xuquuq aadsmihii ay sheeganayeen in au ilaaliyaan kuwii hooyada ilmaheedaka qaadayay ee odhanayay waad ku tacadiday iyo xuquuqal in saan ayaad meel kaga dhacday ayaa ku garab taagan Israa’iil 10 kun oo carruur iyo hooyooyin ah oo ay xaquuqday.waa been waxay sheegayaan iyo xuquuq aadamaha ay inoogu sheekeeyaan.”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biix

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here