.
Xaafadda Tottenham ee magaalada London ayaa lagu qabtay munaasabadda “Somali Culture Night”, oo lagu soo bandhigay hiddaha, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Xafladdan oo ay soo qabanqaabisay RISE Organisation ayaa waxaa maalgelin iyo taageero ka geystay shirkadda Dahabshiil, oo si joogto ah uga qayb qaadata horumarinta dhaqanka iyo bulshada Soomaaliyeed.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Mayor-ka Hackney, masuuliyiin iyo bulshada Soomaaliyeed ee London, iyadoo lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameed, heeso, gabayo iyo riwaayado muujinaya isku duubnida iyo hodantinimada dhaqanka Soomaaliyeed.
https://www.facebook.com/share/v/1BvPa2znAN/











