Friday, July 24, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Ururka Dhallinyarada wada jir oo Baadhitaano caafimaad iyo dawayn lacag la,aan ah...

Ururka Dhallinyarada wada jir oo Baadhitaano caafimaad iyo dawayn lacag la,aan ah ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Gabilay

0
52

Gabilay((Xogsoornews.com): Ururka dhallinyarada wada jir oo ah urur dhallinyaro oo ka jira gobolka Gabilay,ayaa baadhitaano caafimaad iyo dawayn ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Gabilay.

Deegaanada ay baadhitaanada iyo dawaynta ka fuliyeen,ayaa ahaa deegaano aan lahayn xarumo caafimaad isla markaana dadka jilicsan ee  deegaanadaasi aanay soo gaadhi karayn xarumaha caafimaad ee Gabilay.

Dadweynaha deegaanka ee loo fuliyay adeegyada baadhitaanada caafimaad iyo dawaynta lacag la,aanta ah ayaa aad usoo dhaweeyay hawsha baaxada leh ee ururka dhallinyarada wada jir ay isku xil saareen.geesta kale Dr Idiris Yuusuf ayaa faah faahin ka bixiyay adeegyada caafimaad ee qaybta caafimaadka ee ururka dhallinyarada wada jir ay deeganadaas ka fuliyeen