Hargeysa(Xogsoornews.com);- Cali Cige Maxamuud,ayaa sheegay in shan degmo oo ka mid ah degmooyinka dalka in uu ka bilaabmayo mashruuca Bulsho oo ah mashruuc dawladaha hoose ee dalka kor loogu qaadayo,waxaanu xusay in mashruuca bulsho uu yahay sidii mashruucii GPLG ga ee degmooyinka dalka qaarkood ka shaqeeyay,waxaanu intaa raaciyay in mashruuca buksho marka shanty degmo lagu bilaabo la rejaynayo in uu intaa ka balasdho oo degmooyin kalena ay kusoo biiraan.
Waxaa kale oo uu ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka Somaliland qorshaka horumarinta segmooyinka iyo in ay wadaan qorshe la doonayo in degmooyinka waawayn ee sida Boorama Burco iyo Ceerigaabo in ay la wareegaan waxbarashada hoose iyo vaafimaadka degmooyinkaas,taas oo ay hore ula wareegeen dawladaha hoose ee Hargeysa Berbera iyo Galibay.
Waxqa kale oo uu inraa raaciyay in 101 degmo oo dalku ka kooban yahay oo 23 demgo ay yihiin degmo doorashooyin I. Ay kormeer qiiimayn iyo maamul daadejinba ka sameeyeen.agaasime guud Cali waxaa uuu tilmaamay in muddo sanad iyo dheeraad ah ay ku qaadatay raadinta iyo soo helista masgaariic laga helo qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka dib markii ay xilka la wareegeen dhammaan mashaaricdii horumarka oo dalka iska taagay.
Ugu dambayn waxaa uu degmooyinka ku baraarujiyay in ay dhankooda isku tashadaan oo ay ka shaqeeyaan degno kasta horumarkeed.











