Monday, July 27, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Xukuumadda Somaliland oo Beenisay in la sii daayay maxaabiis dagaal kii Laascaanood...

Xukuumadda Somaliland oo Beenisay in la sii daayay maxaabiis dagaal kii Laascaanood ka mid ah

0
9

Hargeysa(Xogsoornews.com):-Xukuumadda Somaliland,ayaa beenisay in la sii daayay ama cid lagu wareejiyay xubno ka mid ah maxaabiistii dagaalkii Laacsaanood.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland ahna afhayeenka Xukuumadda Somaliland Barkhad  Batuuun oowarbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin maxaabiis la sii daayay ama cid lavu wareejiyay,ahadalkaas oo maalmihii u dambeeyay baraha bulshada lagu faaqidayay ayuu wasiir Barkhad sheegay in. Uu yahay hadal aan sal iyo raad lahayn oo bulshada Somalila.nd buiq lagu gelinayo isla markaana ay faaginayaan cadawga Somaliland.

Wasiir Barkhad oo arrimahaa ka hadlaya  warkiisa oo miuqaal ah halkan ka daawo.