Tuesday, July 28, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Waaxda Caafimaadka ee Ururka Wadajir ayaa Deegaanka Galoollay ee Gobolka Gabilay ka...

Waaxda Caafimaadka ee Ururka Wadajir ayaa Deegaanka Galoollay ee Gobolka Gabilay ka Fuliyay Baadhitaano Caafimaad iyo Dawayn lacag la,aan ah iyo Dr Idiris Yuusuf oo ka War Bixiyay

0
31

Gabilay(Xogsoornews.com):- Waaxda Caafimaadka ururka dhallinyarada Wadajir oo muddooyinkii u dambeeyay ka fulinayay deegaano hoos yimaada gobolka Gabilay baadhitaano caafimaad iyo dawayn lacag la,aan ah oo ay ugu adeegayeen dadks jilicssn ee ku dhaqan deegaano gobolka hoos yimaada oo aan lahayn xarumo caafimaad isla markaan aan soo gaadhi karayn xarumaha caafimaad,ayaa dhawaan hawlgal baadhitaano caafimaad iyo dawayn lacag la,aan ah ka fuliyay deegaanka Galloolay ee gobolka Gabilay.

Dadka jilicsan ee deegaanka Galoollay ee gobolka Gabilay ayay u sameeyeen baadhitaano dhammaystiran oo caafimaad iyo dawayn lacag la,aan ah.

Tallaabada waaxda caafimaadka ee ururka Wadajir ay baadhitaanada caafimaad iyo dawaynta lacag la aanta ah ay ku gaadhsiiyeen haweenka carruurta iyo waayeelka jilicsan ee deegaanka Galoolay,ayay dadka deegaanku aad ugu diirsadeen,waxaanay ururka ku ammaaneen hawsha baaxada leh ee ay isku xil saareen iyagoo sheegay in guud ahaan ururka wada jir deegaanka waxyaabo badan ka qabtay.

Dhimaca kale Dr Idiris Yuusuf oo hoggaaminayay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ee waaxda caafimaadka ururka Wadajir,ayaa dawladda qurbe joogta iyo qolqol joogtaba ugu baaqay in deegaanada gobolka Gabilay  ee aan lahayn adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka,biyaha iyo waxbarashada in hoos loo eego oo wax laga qabto baahiyaha bulshadu u baahan tahay.

Waxaa kale oo uu sheegay in baadhitaanada iyo dawaynta caafimaad ee ay deegaanka Galoollay ka fuliyeen ee lacag la,aanta ahi in aanay noqon doonin tii ugu dambaysay ee ay deegaanadka ka fuliyeen.waxaa kale oo waaxda caafimaadka ee ururka wada jir sidan oo kale ay  hore  baadhitaano caafimaad iyo dawayn lacag la,aan ah uga fuliyeen deegaanka Kaam barwaaqo ee gobolka Galibay