London, Uk December 12, 2014 (Codka Hargeysa) – Cali Khaliif Galaydh ayaa walaac ka muujiyay wada hadalo dhexmara Somaliland, waxana uu muujiyay in ay arrintaas hortaagan tahay mabaadida la kala aaminsanyahay.
Siyaasigan oo jaaliyadda beeshiisa kula hadlayey magaaladda London ee dalka UK, ayaa ku celceliyey inuu ogol yahay wada hadal aan qarsoodi ahayn. “Siyaasadu waayadan waxa ay ku soo ururtay qol madow oo casho ama qaddo la iskula dhuunto, oo meelaha la yidhaa waanu wada hadalnay arrintaasi waxba kama jiraan, wax wada hadal ah oo anaga iyo Puntland na dhex maray ma jirto, waxba yaan suuqa lala galin wax aan jirin, wax wada hadal ah oo anaga iyo Somaliland na dhex maray iyaduna ma jirto, waxay ku leeyihiin dastuurka ayay ku taalaa in Sool iyo Sanaag hoos yimaadaan, anagaba waa ku taallaa, haddii ay dhacdo oo amar Ilaahay ay ku timaado wada hadal anaga waa noo diyaar. diyaar baana nahay.”ayuu yidhi cali khaliif Galaydh oo ka hadlayey wada hadal dhex marta isaga iyo Somaliland. “Wada hadalkaasi hadii aanu wax u dhimayn sharaftayada waanu ogol nahay waxaase idin sheegayaa mamulka Hargeysa ka jira ma ogola wax wada hadal ah, barigi hore ceelel iyo barkaddo ayaa la isku qabsan jiray ee imika waxa la gaadhay heer heshiisyo loo qorto dhagaxyadii dhulkayaga oo diyaaraddo loo raaco, waa raga dhagax shiil madow u safraya ee qandaraasyo ku soo galaya inay urursadaan” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Si kastaba ha ahaatee, Cali Khaliif ayaa doonaya inuu caalamka tuso inuu ogol yahay wadda hadal, isla markaana shuruud ku xidhaya in marka hore goboladda uu sheegto laga qaado Ciidanka Somaliland taas oo aan marnabaka suurogalayn Somaliland in dhulkeedda qayb ka mid ah ciidankeedda ay ka saarto.
Xigasho: Wargeyska Saxafi










