“Miskiin Ayaa Misko La Fuulo leh hadii ay hayaan xaqiiq maxay aniga wasaarada ka masuul ahe ii eedayn waayeen” Wasiirka wasaaradda Haweenka Somalia
Muqdisho, Somalia, December 12, 2014 (Codka Hargeysa) — Sii-hayaha wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in agaasimihii guud ee wasaaradda Haweenka, Maxamed Cumar ay ciidamadda dawladeedu saq-dhexe kala baxeen gurigiisa habeen hore.
Wasiiradda oo la hadlaysay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegtay in Maxamed Cumar lagu xidhay amar ka soo baxay xeer-ilaaliyaha iyo Hanti-dhowrka guud ee Qaranka uuna ku xidhanyahay mid ka mid ah xabsiyada ciidanka nabad-sugidda ay Muqdisho ku leeyihiin. “Maxamed Cumar waxaa xalay gurigiisa kala baxay ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda Qaranka, iyadoo lagu xidhay amar kasoo baxay Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti-dhowrka guud oo ku eedeeyay ku takri-fal shaqo xafiiseed,” ayay tidhi Khadiija Diiriye.
Sidoo kale, wasiiradda haweenka ayaa sheegtay inay la xidhiidhay taliye ku xigeenka nabad-sugidda Qaranka, uuna u sheegay inay ku xidheen agaasimaha amar ka soo baxay xafiisyada Xeer-ilaaliyaha guud iyo Hanti-dhowrka guud. “Taliye ku xigeenku wuxuu kaloo ii sheegay in qodobka xadhiga agaasimaha loo cuskaday uu yahay 250 ee xeerka ciqaabta guud oo sheegaya ku takri-fal shaqo xafiiseed,” ayay ku dartay wasiiraddu hadalkeeda.
Khadiija oo sii hadlaysay ayaa sheegtay in sidoo kale uu jiro qodob kale oo diidaya in inta u dhexeysa 6:00 makhribnimo illaa 7:00 aroornimo aan la geli karin guri uu deggen yahay mas’uul ka tirsan dawladda iyadoo aan amar maxkamadeed la haysan. “Waa Alle mahaddii mar haddii qof waliba awoodda uu haysto ay u suurtagashay inuu siduu doono ugu takri-falo, iyadoo indhaha shacabka Soomaalida iyo kuwa calaamkuba eegayaan, xafiis walbana sidii la doono awooddiisa loogu takri-falo, labadan xafiis ee hantidhowrka iyo xeer ilaalintu waxaa ay sheegayaan ee ah ku takri-fal xafiis iyaga ayaa sameeyay” ayay wasiirku.
Wasiiraddu waxay sheegtay inaanay rumeysnayn in eedda loo soo jeediyay agaasimaha guud ee wasaaradda ay tahay mid run ah, iyadoo u dhigtay hadalka in Maxamed Cumar oo agaasime ah uu noqday ‘miskiin ayaa misko la-fuulo leh.’ Waxayna hadalkeeda ku dartay inay wax laga xumaado tahay in mas’uul dawladeed la iska xidho. “Haddii ay jirto ku takri-fal awoodeed waxay ahayd in inaga la igu eedeeyo, haddii ay xaqiiqo dhab ah hayaan. waayo aniga ayaa haya mas’uuliyadda wasaaradda tan iyo inta aan xilka ka wareejinayo,” ayay tidhi.
Dhanka kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in laba mas’uul oo kale oo wasaaraddaas ka tirsan iyagana la xidhay kuwaasoo kala ah; Baarliin Maxamed Cali oo dhinaca sharciga kala talisa wasiiradda iyo Nadiifo Cabdi Diirshe oo ah madaxa xidhiidhka gobollada, kaddib markii ay xabsiga ku booqdeen agaasimihii wasaaradda.
Si kasto oo ay tahay , illaa hadda ma jirto war arrintan ku saabsan oo Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Hanti-dhowrka guud ka soo baxay, iyadoo agaasime Maxamed Cumar ay habeen hore saqdii dhexe kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi koox hubeysan.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI










