Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Somaliland: Milicsiga Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Sanadka Dhamaaday 2014

Somaliland: Milicsiga Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Sanadka Dhamaaday 2014

0
468

Hargeysa, Somaliland – Dhacdooyinkii sanadkan sii galbanaya ee 2014 ka dhacay Somaliland waxa ugu waaweynaa khilaaf soo kala dhex-galay xildhibaanadda golaha Wakiiladda, khilaaf soo kala dhexgallay madaxweynaha iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale, waxa iyaduna jirtay mashaaruuc badan oo madaxweynuhu xadhiga ka jaray kuwaas oo iskugu jiray dhismayaal loodhisay hay’adaha dawladda iyo wadooyinka qaarkood oo wadooyin cusub laga hirgaliyey.

Waxa kale oo xusid mudan in sanadkan saxaafadda u ahaa mid adag ka dib markii laba wargeys oo ka soo bixi jiray magaaladda Hargeysa la xayiray, isla markaana xaruntooddii ay illaa hadda ciidan la dajiyay ku suganyihiin.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdooyinkii waaweynaa waxa ka mid ah kuwan hoos ku qoran:

December 29, 2014: waxa magaaladda Nairobi ku geeriyooday Xoghayihii ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, isla markaana waxa bishan sodankeeddii lagu aas qaran loo sameeyey magaaladda Hargeysa.

November, 29, 2014: Madaxweynuhu wuxu xadhiga ka jaray xarun lagu xanaanayn doonno caruurta Agoomaha oo ay maalgalisay dawladda Kaweyd oo ay ku baxday toban milyan oo dollar.

November/29/2014   25 qof oo qaab sharci darro dadka uga tahriibiya Saylac ayaa xukuno kala duwan lagu riday.

29/November/2014    Golaha Wakiiladda ayaa ansixiyey guddidii doorashooyinka Qaranka oo ka kooban toddoba xubnood.

November, 22, 2014: golaha Guurtidda ayaa soo afjaray khilaaf adag oo soo kala dhexgalay xildhibaanadda golaha Wakiiladda.

November 15, 2014   dawladda Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiish xaga ganacsiga ah.Heshiiska Ayaa Somaliland waxa u sexeexay Wasiirka Arimaha Dabada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis halka Dhanka Itoobiyana uu u sexeexay Wasiirka Maaliyada ee Dawlada Itoobiya Suufiyaan Axmed taaso ka danbeysay booqasho rasmi ah oo ay wasiiro muhiim ah oo ka socda dalka itoobiya ay ku yimaadaan dalka Somaliland.

November 15, xukuumadda Somaliland oo si rasmiya bilowday bixinta kaadhadhka muwaadiniinta Somaliland.

November 15, 2014: Madxweyne Siilaanyo ayaa iska difaacay eedeentii lagu eedeeyey inuu sabab u yahay khilaaf ka dhashay xildhibanaadda golaha Wakiiladda, madaxweyne Siilaanyo oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Golaha Wakiilada waxaa idin saaran masuuliyad culus, ma aha in aad maalin walba is haystaan oo Qaranka qas gelisaan…Xisbiyada waxaa loo sameeyey in qabyaaladda lagaga baxo, waa nasiib darro in maanta qaarkood ay kasoo baxdo baaqyo qabyaladeed”.

October 21, 2014:Madaxweyne SIilaanyo oo safar ka soo laabtay dalka ingiriiska ayaa dacaayaddo ku tilmaamay warar sheegaya in aanu isa soo sharaxeyn doorashadda dambe ee socota, isagoo wararkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Markaan tagay waxaa la faafiyay inaanan Doorashada dambe isku soo taagaynin, wax Allaale wax ka jiraa ma jiro waanan u taagn nahay Doorashada, labadayda jeer ee Sharicigu ii Ogol yahay waan dhamaysanayaa, waxayna la mid tahay Dacaayadaasi tii awalba ay Caafimaadkayga wax kaga sheegi jireen. Wax Alle iyo waxaan qabaa ma jiro,dalkayga iyo dadkaygana waan u shaqaynayaa, ” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

September 30,2014 waxa kalfadhi yeeshay golaha wakiilada kaas oo ay wax kaga bedeleyeen xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, haseyeeshee waxa guddoomiyaha golaha Wakiiladda lagu eedeeyey in xeerkaasi markii uu golaha Guurtidda u gudbiyey uu wax ka bedelay, isla markaana sidii xildhibanaaddu u ansixiyeen si ka duwan uu u gudbiyey golaha guurtidda taas oo abuuray khilaaf cakiran oo sababay in xildhibaanaddu laba u kala qaybsamaan.

September 23, 2014: wasaaradda Duulista Somaliland ayaa shaacisay amar ah in aan laga dhoofin Karin ama laga tahriibin Karin qaad madaaradda dalka.

August 23, 2014: madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa booqasho kadis ah ku tagay xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, waxaanu abooro toddobaddi subaxnimo kula kulmay Maayarka caasimada, ku xigeenkiisa iyo xoghayaha fulinta oo goobjoog ah, waxaanu kula dardaarmay inay shaqadda ay umadda u hayaan sii libinlaabaan.

August 22, 2014 waxa safar shaqo caasimadda Hargeysa ku yimid maayarka Caasimadda Jabuuti  Xuseen Cabdillaahi iyo Wefti uu hoggaaminayo, ka dib marti-qaad ay ka heleen guddoomiyaha golaha deegaanka Hargeysa ahna duqa caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Cabdiraxmaan Soltelco).

August 8, 2014 : waxa la xaliyey khilaaf soo kala dhexgalay musharxnimada xisbiga kulmiye oo ay isku qabsadeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga kulmiye, waxaana ugu dambeyntii kala dhexgashay golaha Guurtidda oo go’aammo ka soo saaray xalinta khilaafkaasi taas oo labadooduba aqballeen.

July 13,2014, madaxweynaha Somaliland ayaa cafis madaxweyne ku siidaayey guddoomiyaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihii wargeyska Axmed Cali Cigge.

July 8,2014 Maayarka Dawladda hoose Hargeysa oo dhagax dhigay xarun loo sameeyey ciidanka Dab-damiska caasimadda Hargeysa, taas oo soo iibsatay gaadiid badan oo Dab-damis ah.

June, 25,2015, Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa xukun saddex sanno ah ku xukuntay guddoomiyah wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe , halka Tifaftiraha wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige isna ay maxkamaddu ku xukuntay afar sano oo xadhig ah.

June, 7, 2014 Golaha guurtidda Somaliland oo soo kala dhexgalay khilaaf ka dhashay xisbiga kulmiye.

June 13, 2014 ciidamada militariga Somaliland ayaa la wareegay degmada Taleex ee gobolka Sool oo xarun u ahayd.

May 7,2014, madaxweynaha Somaliland ayaa khudbad dheer ka jeediyey labada gole baarlamaan, taas oo uu kaga hadlay dhinacyo badan, waaana khudbaddii sanadeedka 2014-ka.

May 3, 2014: Maxkamada Degmada Hargaysa Ayaa Xukuno dil ah ku xukuntay Muuna Maxamed Cabdilaahi Iyo Saddex Caruura oo ay Dhashay,markii ay kuu Caddaatayinay dileen Ruqiya Siciid Ayaanle Oo 24 Bishii 2aad Maydkeeda Laga Helay Guri Ay Daganayeen.

“Muuna Maxamed Cabdilaahi Ina Faadumo Cali Waxa Ay Maxkamadu Ku Xukuntay Qisaas Dil Ah,Maxamed Axmed Cabdi Ina Muuna Maxamed Waxa Ay Isna Maxkamadu Ku Xukunta Qisaas Dil Ah,Sakariiye Axmed Cabdi Oo Ah Ina Muuna Maxamed 19jir Ah Waxa Ay Maxkamadu Ku Xukuntay Qisaas Dil Ah,Farax Axmed Cabdi Ina Muuna Maxamed Oo 19jir Ah Waxa Ay Maxkamdu Ku Xukuntay Qisaas Dila Ah.”ayuuu yidhi Garsoorihii maxkamadda Hargeysa.

April 8, 2014, Ciidamo boolis ah ayaa Al-baabada u laabay Xarunta Wargeyska Madaxa Banaan ee Haatuf, waxaanay ciidamadani shaqaalihii halkaasi ku sugnaa ku amray in ay shaqadda joojiyaan isla markaana ay xarunta ka baxaan.

April 2, 2014 Xildhibaanadda golaha deegaanka ee dawladda hoose ee magaaladda Sheffield ee dalka Britain ayaa shaaca ka qaaday inay aqoonsadeen madax-banaanida Somaliland, taas oo ay si weyn usoo wada dhoweeyeen shacabka Somaliland.

February, 2014, xukuumadda Somaliland ayaa xayirtay inuu ka hawlgallo telefishanka Universal  ka dib markii ay qoonsadeen barnaamijyo uu soo daayey.

January 16,2014, wada hadaladdii shanaad ayaa Somaliand iyo Soomaaliya uga furmay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee, sanadka cusub oo maanta kow ah ayaa la rajaynayaa inuu noqdo sanad cawo iyo ayaanu horseedda shacabka Somaliland, isla markaana badheedha iyo nimco inoo horseedda.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI