Saturday, July 11, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Dawlada Maraykan Oo Lix Sarkaal Oo Ururka Alshaabab Ka Tirsan Dul Dhigtay...

Dawlada Maraykan Oo Lix Sarkaal Oo Ururka Alshaabab Ka Tirsan Dul Dhigtay Madaxooda Bilaayiin Doollar.

0
378

Muqdisho(Xogsoormedia.com) Dawlada Maraykan ayaa Malaayin dollar duldhigay madaxa lix ka mida hogaamiyayaasha Shabaab.
Iyada oo abaalmarinta la siin doono cidkasta oo keenta warbixin nimankaaasi la xidhiidha.
Waxaana waaxda Albaal-Marinta cadaalada ee wadanka Maraykanku ay 6-bilyan oo dollar ay dul dhigtay Madaxa Hogaamiyaha Alshabaab Axmed bishi .September ee sanadkii 2014 loo doortay hogaamiyaha xarakad Alshabaab, ka dib markii uu dhintay hogaamiyahoodi hore Axmed Cabdi Godane.
Sidoo kalena waxaa 5-Milyan oo dollar iyagana la dul Mahad Karatey Macalin Daa,uud iyo Xasan Afgooye oo iyaguna ah Madaxda waa weyn ee Ururka Alshabaab.
Waxaana 3-dan xubnood la sheegay inay ku lug lahaayeen shirqoolo, weeraro ka dhan ah dawlada iyo bartilmaameedyo ay reer galbeedku leeyihiin,askareynta dhalinyarada.
Sidoo kalana waxa min Hal-Milyan la dul dhigay
Macalin Salmaan iyo Axmed Iimaan Cali,waxaanay wasaarada arrimaha dibada ee dalka Maraykanku ku eedaysay.
In Macalin Salmaan uu Madax u yahay dagaalyahanad Alshabaab,ee ka soo jeeda dalalka Afrika.
Waxaa isagana sido kale la sheegay Axmed Iimaam Cali Ururkan Alshabaab u qaabilsan yahay askareynta dhalinyarada, sidoo kalana soo ururiyo lacago.
Waxanu wadanka Mareykanku Sanadkii 2008-dii Xarakada Alshabaab uu u aqoonsaday Urur Argagixiso.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here