Riyaad( Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada dalka Sucuudiga.
Halkaasi oo uu Madaxweynuhu kaga qaybgali doono Shir-Madaxeedka 4aad ee Jaamacada Carabta iyo Koonfur America.
Waxaana waftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya garoonka diyaaradaha siweyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Shir madaxeedka ka furmaya Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, nabadgelyda iyo horumarinta ee ka dhaxeeya Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America.
Xogsoormeda.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland










