Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Warmurtiyeed: Dhiirigelin Diiwaangelinta JSL Iyo Codsi Loo Dirayo Taagerayasha Qurba Jooga Inay...

Warmurtiyeed: Dhiirigelin Diiwaangelinta JSL Iyo Codsi Loo Dirayo Taagerayasha Qurba Jooga Inay Caawiyaan Dadka Abaaruhu Saameyeen Lana Tukado Salaad Roobdoon.(Af-Hayeenka Xisbiga Kulmiye Sweden: Hassan Jamuri).

0
444

Sweden(Xogsoormedia.com) . Afhayeenka Xisbiga Kulmiye dalka Sweden Mudane Xasan Jamhuuri wuxu halkan amaan ugasoo gudbinayaa sida wanaagsan ee ay uga socoto is diiwaangelintu gobolka togdheer sidii loogu talo galay.

Waxaana aad nooso jiidatay sida aan khaladka lahayn ee uu uhirgalay qalabkii diiwangelintu taa soo qofna aanu is diiwaangelin karin wax ka badan hal mar.

Waxa iyana xusid mudan sida amniga iyo kaladanbaynta leh ee dadku kuyuuga ugu jiray si uu u xaqiijiyo xuquuqdiisa wadaninimo kana qayb qaato geedi socodka democracyga Somaliland.Samaynta doorasho xor ah oo xalaal ah oo ay saldhig u tahay isdiiwaangelin aan madmadow lahay oo lagu sameeyey technology casri ah waa balanqaadkii Xisbiga Kumiye waanu ka dhabeeyey maanta.

1  Waxa kale oo aynu ognahay inuu Xisbiga Kulmiye ka dhabeeyey balanqaadkiisi ahaa inuu dabarka ka furay ururada siyaasada ee loogu soo gudbayey sadexda xisbi qaran ee dastuurku jideeyey iyo dhalinyarada oo laga furay dabarkii ku xidhnaa da`da si ay door hormuud ah uga qaadan karaan siyaasada oo u tartamaan golayasha deeganka iyo baarlamankaba iwm. Vision-kas wuu sii wadaya Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxiintiisu.

  1. Abaaraha saameyey Deegano kamida Dalka waxay Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye ka galeen da`daalo laagu gurmanayo sidaa aawadeen waxaa laga codsanayaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye iyo dhamaan shacabka Somaliland inu qof waliba si toos ah ugu diro wuxuu kari karayo dadkaas ay abaaruhu sameeyen oo u sadaqo labaxo. Sidoo kale lagaadhsiiyo cidkasta oo gacan ka geysankarta gurmadka abaaraha iyo ka hortegida abaaraha soo noqnoqda haday noqoto wadamadan aynu joogno.

3.Waxaa laga Codsanayaa dhamaan taagerayaasha Xisbiga Kulmiye, shacabka Somaliland iyo umada musimiinta ahba inay ka qaybqaatan salaad roobdoon ah sidii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Siilanyo iyo Gudoomiya Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi. Dadka debeda jooga waxay la xidhiidhi karaan masaajida magaalooyinka ay degan yihiin si ay u abaabulan roobdoon. Allah ayaa mahad leh. Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Sweden iyo Gudomiya Malmö Skåne. Hassan Ahmed Adan Buluke (Hassan Jamuri).

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here