Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Warar Horleh Oo Laga Helayo Diyaaradii Daallo Airline Ee Maanta Uu Dabku...

Warar Horleh Oo Laga Helayo Diyaaradii Daallo Airline Ee Maanta Uu Dabku Qabsaday Kuna Soo Laabatay Garoonkii Ay Ka Duushey

0
394

Muqdisho(Xogsoormedia.com) Waxaa maanta dab ku qabsaday diyaarada Airbus ee 321 ee Daallo Airline xili ay mudo shan daqiiqo ah ay hawada ku jirtay, iyada oo ka duushay garoonka diyaaraduhu ay ka Haadaan ee Aadan Cade International Airport ee Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday dalka Jabuuti.

Waxaanay markii hore diyaaradu ka soo kicitintay dalka Sucuudiga, iyada oo siday dad gaadhaya 212 qof oo laga soo tarxeelay wadanka Sucuudi Arabiya, waxaanay ka soo degtay garoonka diyaaraduhu ay ka haadaan eee Aadan Cade International Airport ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana diyaarada Daalo ee dabku qabsaday la soo darsay cilad farsamo oo dhanka Ijiinada ah,iyada oo duuliyihii diyaarada waday uu go’aansaday inuu ka soo dib  ugu soo celiyo garoonkii uu ay  kacday si loo badbaadiyo iyada iyo rakaabka saraanba.

]
Waxaana la sheegay in dhawr qof oo ka mida rakaabkii diyaarada saarnaa u u dhaawac ka soo gaadhay,dabkii diyaarada ka kacay,dadkii dhaawacyadu soo gaadheena loola cararay goobo caafimaad oo ka agdhaw garoonka.

 





Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here