Hargeysa(Xogsoormedia.com) Wasiir ku-xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo idaacada VOA-da u waramayay ayaa sheegay in aanu khusaynin go’aanka dowladda Soomaaliya waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Wallahi waa hawl u taala iyaga anagu shuruuc baanu soo saarnaa shuruucdaasina waxa ay sheegaysaa in aanu laba dal kala nahay in si sharci ah loo soo galo si sharci ahna loo soo noqdo sida Jabuuti iyo Itoobiya haddii ay iyagu dadka kala xayirayaan oo ay ka go,an tahay in aanu kala xidhano waa hawl iyaga u taala anagaaba jecel”
Sidoo kale wasiirku xigeenka abniga Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu xusay inaanay waxba ka badalaynin Somaliland go’aanadii ay hore uga soo saartay isu socodka labada dhinac waxaanu yidhi “anagu qorshahayagii hore ayaanu wadanaa haddii ay soo celinayaan iyaga ayay u taala ninka reer Somalia ah ee passport sitaa waa uu ku noqon dalkiisi kii aan hore u haysan ee aanu go home wuu tagi ka reer Somaliland ee Passport kii Somaliland ku tagaya waanu siinaynaa haday soo celinyaan iyaga ayay u taalla
Wasiirka ayaa sheegay inaysan joojin doonin diyaaradaha ka baxaya Hargeysa ee tagaya Muqdisho, balse dowladda Soomaaliya ay ayada u taal, haddii ay dadkaas dib usoo celineyso iyo haddii kale.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland










