Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in masuuliyinta Qaranku ay xal ka gaadhi waayaan muddo toban sano ah lixda goobood ee doorashooyinka ka xayiran ee muran goboleedku ka taagan yahay.
Waxaanu ku taliyay in dib loogu noqdo khariiraddii Somaliland ee Lixdankii silamarkaana la caddeeyo wakhtigaa halkay ka tirsanaayeen lixda goobood isagoo intaa ku daray in laga taxadiro in ay ka ka hadalka lixda goobood ka faa’iidaystaan dad uu sheegay in ay dano kale leeyihiin.
Isagoo intaa ku daray in Somaliland ay tahay dal qudha oo aan ahayn Maamul goboleedyo la kala leeyahay isla markaana deegaan kasta oo ay ka mid noqdaan la wada leeyahay oo aanay cid gaar ahi lahayn lana wada dhisan karo.
Hadaba halkan ka daawo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland










