Usa(Xogsoormedia.com):-Oradyahanka u dhashay dalka Itoobiya, Feyisa Lelisa ayaa gaadhay dalka Maraykanka ka dib markii uu muddaharaad ku soo gunaanaday tartankii Olombigga ee Brazil uu kaga qayb galay iasgoo ku muddaharaaday dawladdiisa dalka Itoobiya lana saftay kacdoonadii iyo muddaharaadyadii qoomiyadda uu ka soo jeedo ee Oromadu kaga cabaysay dawladda Itoobiya.
Oradyahankan ku guulaystay biladda qalinka ah ayaa xariijinta ka gudbay isaga oo gacmahiisa is dhaafiyay, calaamadaas oo astaan u noqotay dadka Oromada ah ee ku kacsan dawladda Itoobiya.
Lelisa ayaa ka yimid gobolka Oromiya oo hoy u ah qowmiyadda Oromada Itoobiya oo ah gobolka ugu dadka badan dalkaasi.
Oradyahankan ayaa horay u sheegay inuu ka cabsi qabo in la dilo ama xabsi la dhigo haddii uu
dalkiisa ku laabto, wuxuuna hadda magangalyo ka dalbaday dalka Maraykanka.
Dawladda Itoobiya ayaa mar sii horreysay sheegtay in aan la xiri doonin oradyahankan haddii uu soo laabtana si wayn loo soo dhawayn doono.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland











