Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Musharax Samia Muse oo u tartamaysa xildhibaan golaha deegaan magaalo ka tirsan dalka Finland ayaa sheegtay in ay guul wayn ka gaadhay xisbigeeda gudihiisa isla markaana ay haysato kalsoonida Xisbiga iyo taageeerada Jaaliyado badan oo kala duwan oo u caddeeyay in ay ucodaynaaan.
Musharax Samia oo kulan ay maanta qabatay ka dib u warantay shabakada wararka ee Xogsoormedia.com,ayaa intaa ku dartay in ka xisbi ahaanna ay dhankooda balan qaadyo muhiin ah in ay u sameeyen jaaliyado Carab ah oo kulankeeda maanta kala soo qayb galay.
Waxaanay tidhi Marwo Samiya oo arrimahaa ka hadlaysa “Wallahi meel fiican ayay howluhu ii marayaan runtiina waxaan ka helay martidii igala soo qaybe gashay oo taageero ballaadhan isiiyay, Waxaan waliba ballan ka helay rag ka socda Jaaliyadda Ciraaq inay inshaa Allah garab wayn i siin doonaan , waxaanay rabaan inay ku soo wada biiraan xisbiga SDP oo ay taageero siiyaan aniga iyo xisbigaba.”Ta kale waxaan ballan u qaadnay aniga iyo Guddomiyaha laanta Mellymäli-Kontula Mudane Jouni Onni Autio inaan u qabanno munaasabad ballaadhan dhamaan jaaliyada Carabta ee martida noogu noqon doono inshaa Allah guddoomiyaha Guud ee Xisbiga SDP Finland Mr Pentti Äläjärvi.”
Marwo Samia oo ka hadlaysay xidhiidhka soo jireenka ah ee fog ee ay wada lahaayeen Xisbigeeda ay ka sharaxan tahay iy iyadu ayaa tidhi.“Haa runtii Xisbiga SDP hore ayaan ula soo shaqeeyay aniga oo u ahaa Guddomiyaha Abaabulka Qaarada Europe ee UCID , 2015 doorashadi Barlmaanka Finland ayaa waxaan sameeyay wada shaqyen UCID iyo SDP aan ku taageerayay gabadh xildhibaanad markaa u sharaxneyd Baarlmaanka Finland SDP , kabacdi xisbigi xidhiidh fiican aan wada yeelanay.Haddana markii aan is soo sharaxayay waa inuu xisbigu marka hore ku doortaa kabacdi u kaa dhigtaa musharax meeshaas xisbigu wuxu sameeyay laba doorasho lagu kala saarayo Musharaxiinta , Doorasho ah hoggaanka xisbiga gudihiisa o ah ergooyinka shirweynaha ka qayb gelayay lagu dooranayo halkaasoo ay u sharaxnaayeen 138 qof lagana qaadanayay 44 qof aniguna waxaan noqday No.41 waxaanan helay 6800 cod , kabacdina tii doorashada golaha degaanka waxaa isa soo sharaxay 134 waxaana laga qaadanyay 100 qof aniguna waxaan noqday No.43 waxaanan helay 100 cod. markaa waxaan ka helay xisbiga gudihiisa 7800 u cod ah”
Mar ay ka hadlaysay isku xidhnaanta jaaliyadda Soomaalida ah ee reer Finlnad iyo siday u taageersan yihiin waxay tidhi Marwo Samia “Wallahi si fiican waayo dadka Finland dagan badana waaad dad aan hore isu wada naqaanay dhalinyarimo soo wada marnay maantana aan ku wada nahay bulsho ku dhaqan Finland , midda kale anigu waxaan ku shaqeeyay Turjumaan Carabi iyo Somali markaa xidhiidh fara badan ayaan wada leenahay kuwa cusub iyo dadkii horeba.”
Dhinaca kale waxaa jira qaybo badan oo kala duwan oo taageerayaal u ah Marwo Samia oo asal ahaan ka soo jeeda Soamliland isla markaana ah muwaadinad reer Finland ah oo wax badan kala shaqaysa jaaliyadaha Carabta iyo afrikaanka ah ee dalkaa ku dhaqan oo ay u tahay shaqsi isku xidha iyaga iyo dawladda.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland











