Saturday, July 11, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Madaxwwyne ku-xigeenka Somaliland oo Soo Kormeeray Bukaan Jiifka Cisbitaalka Borama

Madaxwwyne ku-xigeenka Somaliland oo Soo Kormeeray Bukaan Jiifka Cisbitaalka Borama

0
437

Borama(Xogsoormedia.com):- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimadda gobolka Awdal ee Borama,ayaa maanta kormeer ku tegay Cisbitaalka guud ee Borama soona booqday bukaan jiif xaalado kala duwan u jiifa Cisbitaalka guud ee Borama.

Dadka bukaan jiifka ah ee Cisbitaalka Borama xaalada kala duwan u jiifa oo ay ka mid yihiin dad uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka oo dhawaan ka dilaacay deegaano ka tirsan gobolka Awdal.

Haddaba halkan ka daawo kormeerka Madaxweyne ku-xigeenka ee Cisbitaalka Borama.