“Siyaasadan Ayaa Meesha Ka Saari Doonta In Shaqaalaha Dawladda Kaalin Uun La Isaga Dhiibo Waxaanay U Daadihin Doonta Qaranka Somaliland In Kaalin Walba Yeelato Halbeeg “Measurement” Lagu Gaadhi Karo”
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa si rasmi ah u soo afmeeray Siyaasadda Hagaha Qeexaya kaalin walba oo shaqo iyo kartida looga baahan yahay si shaqaalaha dawladu ugu tartamo.


Siyaasadda Hagaha Qeexaya kaalin walba oo shaqo iyo kartida looga baahan yahay si shaqaalaha dawladu ugu tartamo,ayaa ah mudnaanta shaqaalaynta shaqaalaha dawladda isla markaana dhallinyarada fursado shaqo abuur u samaynaysa taasoo ahayd mid aan dalka ka jirin muddooyinkii hore isla markaana masuuliyiinta dawladdu ay hadba cidday doonaan shaqaalaysiin jreen iyadoo aan loo eegin baahida taalla goobta ama ahay’adda dawladeed ee loo qaadanayo iyo xirfadda aqooneed ee uu leeyahay qofka la shaqaalaynaynayaa.
Hay’adda shaqaalaha dawladdu oo in muddo ahba gacanta ku haysay jaangoynta,siyaasadda haga shaqaalaha dawladda ee Somaliland ayaa maanta uu soo gunaanaday Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle uu si rasmi ah u soo gaba gabeeyey kulan hawleedka lagu dhamaystiray siyaasaddan cad ee Shaqaalaha Dawladda Somaliland lagu dhaqi doono.

Sharmarke Geelle oo gunaanadkii qudbad ka jeediyay ayaa sheegay muhimadda ay arrintani u leedahay shaqaalaynta shaqaalaha dawladda iyo waxtarka ay dalka iyo shaqo socodsiinta laamaha dawladda u hirseedi doonto marka ay soo baxaan shaqaale tartan lagu kala saaray oo aqoontooda xirfadeed ku shaqo galay.
Waxaanu yidhi Guddoomiye Sharma’arke “Waxaanu maanta(shalay) soo gabo-gabaynay diyaarinta haggaha qeexaya kaalin walba oo shaqo iyo kartida looga baahan yahay si shaqaalaha dawladu ugu tartamo.

– Siyaasadan ayaa meesha ka saari doonta in shaqaalaha dawladda kaalin uun la isaga dhiibo waxaanay u daadihin doonta qaranka Somaliland in kaalin walba yeelato halbeeg “Measurement” lagu gaadhi karo sidoo kalena shaqaalaha u eekaysiin doonta qaabka aynu u rabno in ay shaqada qaranka u gutaan.
– Shaqaalaha dawladda waxaa loo abuuri doonna hiigsi iyo halbeeg ay haybsadaan oo aan hayb lahayn balse aqoonta, waayo-aragnimada iyo kobcinta naftoodu u horseedo guusha qofnimadooda iyo qarankooda.

-Siyaasadan iyo kuwa tirada badan ee mudooyinkii u dambeeyey hay’adda shaqaalaha iyo khubaro caawinaysa ay diyaariyeen ayaa marka la isku geeyo shaqaalaha dawlada dhan walba ka dhisi doonta, dawladana ka dhigi doonta mid casri ah oo la tartanta qaramada caalamka. “
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland











![Ggeelle[1]](https://i0.wp.com/www.xogsoornews.com/wp-content/uploads/2017/12/Ggeelle1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1)