Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Madaxweynaha la Doortay oo Qaabilay Safiirro iyo Dublamaasiyiin ka socda Midowga Yurub...

Madaxweynaha la Doortay oo Qaabilay Safiirro iyo Dublamaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo Ingiriiska

0
555

Madaxweynaha la Doortay oo Qaabilay Safiirro iyo Dublamaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo Ingiriiska

Hargeysa (Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland   Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka kooban safiirro iyo dublamaasiyiin ka socda ururka dalalka Midowga Yurub iyo dalka Ingiriiska oo booqasho ku yimi Somaliland.

   

Weftigan oo ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub u  qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Veronique Lorenzo, xubnana ka yihiin safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Daved Concar, sariirro diblomaasiyiin ka socda dalalka Denmark, Sweden iyo Switzerland iyo weliba saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda dalka Britain u qaabilsan deeqaha caalamiga ah ee DFID, kuwaas oo ujeeddada socdaalkooda uu ka mid yahay ka qaybgalka xafladda dhaarinta Madaxweynaha cusub ee dhacaysa berri, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi uu ku qaabilay qasriga Madaxtooyada galabta.

Madaxweynaha la doortay Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, waxa kulankaasi dhexmaray safiirrada iyo diblomaasiyiinta reer Yurub ay kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo muhiim ah, waxaanay labada dhinac diiradda saareen qodobbo ku saabsan kor-u-qaadista iyo dardargelinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay guud ahaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Waddanka Ingiriiska iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ay dhinacyadu ku wadashaqayn karaan.

Safiirrada iyo diblomaasiyiinta Midowga Yurub iyo Ingiriiska, ayaa dhinacooda shaaciyey inay u socdaan ka qaybgalka xafladda lagu dhaarinayo Madaxweynaha cusub, isla markaana ay diyaar la yihiin inay si buuxda ula shaqeeyaan Madaxweynaha dhawaan la doortay iyo xukuumadiisaba, kana taageeri doonaan dhinacyada maalgashiga, horumarinta, qorshaha mashruuca weyn ee lagu dhisayo waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor), tayeynta waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta iyo sidii loo dejin lahaa hannaan ama farsamo ay ku sii socon karaan wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu uga mahadceliyey weftigan booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxaannu tilmaamay inay ka go’an tahay sidii uu wadashaqan midho-dhal leh ula yeelan lahaa dalalka beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub iyo waddanka Ingiriiska ee ay ka socdaan safiirrada iyo diblomaasiyiintani.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here