Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Maxkamadda Gobolka Awdal oo Bilawday Dhegaysiga Dacwad Rag Magafeyaal ah Xukunna...

Maxkamadda Gobolka Awdal oo Bilawday Dhegaysiga Dacwad Rag Magafeyaal ah Xukunna ku Ridday Tahribayaal Itoobiyan ah

0
603

Boorama (Xogsoor Media.Net):- Maxkamadda gobolka Awdal ayaa bilawday dhegaysiga dacwad ka dhan ah eedaysaneyaal boolisku ku soo qabtay kiisas tahriibin ah isla markaana xukun ku ridday  Tahriibeyaal Itoobiyaan ah.

Maxkamadda Gobolka Awdal ,ayaa la hor keenay Tahriibeyaal Itoobiyaan ah iyo 3 nin oo ku eedaysan  in ay yihiin magafeyaal ka ganacsada Tahriibinta dadka oo la sheegay in ay xeryo ka samaysteen soohdinta ay Somaliland iyo Itoobiya ka wadaagaan gobolka Awdal.

Carab Maxamed Qallinle oo ka tirsan bahda garsoorka Maxkamadda gobolka Awdal ayaa faahfaahin ka bixiyey tirada eedaysanayaasha la horkeenay maxkamadda iyo goobta laga soo qabtay,waxaanu yidhi   “falkani wuxuu ka dhacay magaalada Magaalo-cad oo uu maro xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya, dadka falkan lagusoo qabtay ayaa ka kooban 59 qof oo maxkamadda  la keenay , marag muujina loo keenay dadka la tahriibinaayey ee la doonayey in waddanka laga gudbiyo.” ayuu yidhi

Garsoore Carab ayaa sheegay in tahriibinta dadkan ay ka dambeeyeen todobada magafe oo xeryo ka samaystay deegaanka Magaalo-cad kuwaasoo ciidanku saddex ka mid ah ay gacanta kusoo dhigeen  isaga oo arrinta ka hadlaaya wuxuu yidhi  “Maxkamadda waxaa la horkeenay todobada eedaysane , saddex ka mid ah ciidanku gacanta kusoo dhigay iyo 59 tahriibayaal ah  oo  xerada laga soo ururiye afar ka mida ahina way ka baxsadeen gacanta ciidanka booliska oo maqanayaal weeyaan “

Garsoore  Qallinle ayaa laanta Socdaalka Somaliland faray in dadkan si degdeg ah loogu celiyo waddankooda si nabadgelyo ah  “waxaan faraynaa laanta Socdaalka in ay dadka ku celiso waddankoodi si nabadgelyo ah , dhegaysiga dacwada todobada eedaysne way sii socon doontaa waxaana loo muddeeyey 13. 12.2107 oo   ku beegan maalinta berry ah“ ayuu yidhi

Somaliland ayaa si wayn ula dagaalanta tahriibinta dadka isla markaana marar badan ayay  gacanta kusoo dhigeen ciidanka booliska iyo ciidanka Socdaalku dad doonayay in ay si sharci darro ah dalka kaga Tahriibaan.

Haddaba warkan oo dhammaystiran halkan hoose ka daawo.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here