Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Maayer ku-xigeenka degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac(Xoday) ayaa ka difaacay dhaliilo loo jeediyo maamulkooda dawladda hoose ee Burco isla markaana farriin u diray xildhibaano uu sheegay in ay laba ama sadex yihiin kana dalbaday in ay golohoodayimaadaan oo ay shaqada qaybtooda ku toosaan wixii talo ah ee ay hayaanna ay golaha u soo bandhigaan.

Waxaa kaloo uu Xoday isla difaacay in ay jiraan raashin dawladda hoose dad abaarihii ku tabaaloobay ay u qaybinaysay oo lagu eedeeyay in ay musuq maasuqeen.











