Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Magacyada Eedaysaneyaasha Dil-wadareedkii Ugu Weynaa ee Muqdisho Ka Dhacay ...

Magacyada Eedaysaneyaasha Dil-wadareedkii Ugu Weynaa ee Muqdisho Ka Dhacay oo Maxkamada Ciidamada Soomaaliya la Horkeenay

0
569

Muqdisho (Xogsoor Media.Net):–Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya,ayaa maanta la hor keenay oo dhegaysatay eedaysaneyaasha dil-wadareedkii ugu badnaa ee Soomaaliya ka dhacay oo noqday qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe 14,kii Oktoobartii sanadkii tegay oo ay ku dhinteen  ugu yaraan illaa 500 oo qof isla markaana in ka badani ay ku dhaawacantay.

Shan qof oo dhammaantood rag ah oo kiiskan ku eedaysan ayaa maxkamada la hor keenay afar ka mid ah iyadoo midna isagoo maqane ah kiiskiisa  loo gudbiyay magiciisa iyo eedaha loo haysto.

 

 

1:-Xasan Aadan Isaaq Cali ina Xaawo Maxamed Cali 23 jir ah ku dhashay Gobolka Baay

2:-Cabdullaahi Ibraahim Xasan Absuge oo maqane ah

3:-Cabduweli Axmed Diiriye ina Dhubado Ibraahim Xasan 32 jir ah ku dhashay Gobolka Galgaduud.

4:-Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble ina Kaaho Kaariye Cawaale 43 jir ah ku dhashay Galgaduud

5:-Cabdul Cabdi Warsame Cali ina Raaxo Mire Siyaad 35 jir ah ku dhashay Cabudwaaq.

 

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in eedeysanaha koowaad ee Xasan Aadan Isaaq Cali loo heysto in uu ka tirsanaa ururka Al-shabaab islamarkaana madax ka ahaa qeybta fulisa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka howlgasha Muqdisho masuulna ka ahaa labadii gaari ee ku kala qarxay Isgoyska Zoobe iyo Wadada Danwadaagaha degmada Wadajir.

Dhageysi iyo dood kadib Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dhageysiga dacwada eedeysanyaasha dib la’ isugu soo noqon  doono Maalinta Khamiista ah oo ku beegan 4/1/2018.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Ofice

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here