Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Khilaafka Baarlamaanka Soomaaliya oo Sii Xoogaystay iyo Dhinacyada oo Is Eedeeyay

Khilaafka Baarlamaanka Soomaaliya oo Sii Xoogaystay iyo Dhinacyada oo Is Eedeeyay

0
528

Muqdisho(Xogsoor Media.Net):-   Waxaa sii kordhaya khilaafka  u dhexeeya xildhibaaanada golagha shacabka Soomaaliya oo gaadhay halkii ugu sarraysay isla markana kulankii saaka qorshaysnaa in uu qabsoomo ayaa meesha ka baxay ka dib markii labada dhinac mid walibba ka kale ku eedeeyay in uu isku dayay in ay awood ciidan isticmaalaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari,ayaa waxba kama jiraan iyo ku tilmaamay in uu xarunta golaha Shacabka Soomaaliya xoog iyo awood kula wareegay waxaanu intaa ku daray in Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya in uu isagu ka taliyo isla markaana meel uu ka taliyo aan la odhan karin wuu qabsaday.

Waxaa kaloo uu intaa raaciyay in ay la socdeen 11 askari oo dhar cad ah tirade intaa leegna aan meel lagu qaban karin.

“Waxaan idin weydiinayaa 11 askari oo dhar cad ah meel lagu qabsan karaa, Jawaari ayaa qabsaday Xarunta Golaha Shacabka waxay la mid tahay, madaxweynaha ayaa qabsaday Villa Soomaalia, maxaa yeelay xarunta Golaha Shacabka Anigaa ka taliya” ayuu yiri Jawaari

Jawaari oo soo hadal qaaday eedeyn kaga timi taliyayaasha ciidamada ayaa sheegay in taliyeyaasha uu saaran yahay culeys kaga imanaya Xukuumada, ayna mudan yihiin in loo dulqaato, waxaanu  xusay in uu dhowr jeer kala hadlay iney arimaha siyaasada faraha kala baxaan.

Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Cabdiwali Muuddey iyo xildhibaano badan ayaa ku eedeeyey gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mahad Cawad in ay maanta xoog kula wareegeen xarunta Golaha Shacabka islamarkaana ay tahay in tallaabo laga qaado

 

Wali ma jiro xal siyaasadeed oo laga  gaadhay xaaladda cirka ku shareeran ee xildhibaanadal labada dhinac ay kala taagan yihiin waxaanay wararkii u dambeeyay sheegayaan in wali ay labada kooxood midba dhan u shirayo oo ay sii kala fogaanayaan,waxaanay wararku intaa ku darayaan in ay jiraan dedaalo ay wadaan culimada iyo  madaxda dhaqanka ee Muqdisho ku sugan oo ku dedaalaya in ay dhinacyada isu keenaan inkastoo aanay wali jirin wax waan waan ah  oo ka oo baxaday

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here