Hargeysa(Xogsoor Media.Net) :- ALLE ha u naxariistee waxaa saaka ku geeriyootay magaalda Hargeysa oo isla maantanaaas qaran lagu sagootiyay Marxuumad Fannaanad Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd horseedkii iyo hal-doorkii fanka Soomaalida isla markaana ahayd hooyo naxariis iyo laab furnaan ku caan baxday oo ahayd uruuriso iyo waayeel gacan kuran oo aan agteeda lagu gaajoon.
Marxuumad Sahra Axmed waxay maalmihii u dambayay ku xanuunsanaysay cisbitaalka Gargaar ee magaaladda Hargeysa, iyadoo xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayey, haseyeeshee waxa maanta timi maalintii u qornayd in ay ifka ka guurto iyo madhaafaanka geerida

Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd tiirarka waaweyn ee Fanka Soomaalida waxay ka mid ahayd fanaaniinta ugu heesaha badan fannaaniinta Soomaaliyeed,isla markaana waxay soo dhigtay riwaayado aad u badan laga soo bilaabi lixdamaadka dhammaadkiisii oo ay riwaayaddii ugu horraysay xidigad ka noqotay Riwaayaddaas oo la odhan jiray GARASHA GARAB WAYDAY HADLSE MOOYI LA GAADHI. Oo uu hal abuuray Abwaan Axmed Saleebaan Bidde,riwaayaddaas oo la dhigay 1968-dii.
Xilligaa laga soo bilaabo waxay noqotay xidigad caan ah oo abwaan kasta oo riwaayad sameeyaaba uu ku dedaalo in ay xidigada riwaayaddiisu in ay noqoto Sahra Axmed.
Marxuumad Sahra Axmed Jaamac waxay dhalatay sanad ku beegan 1955-dii, waxaanay ku dhallatay gobolka Sanaag , waxaanay fanka ku soo biirtay hilaadii 1968-kii iyadoo wakhtigaasi la sheegay inay da’deedu ahayd 13 jir sida ay sheegeen dadkii ay ku walaaloobeen fanka Soomaalidda.
Marxuumad Sahra Axmed Jaamac heesteedii ugu horreysay waxay ahayd ee ay masrax la soo fuushay “MA II BAAQDAY” oo ay markii danbe wada qaadeen Maxmed Aadan Dacar iyo Hibo nuura.
Sahra Axmed waxa ay ku caanbaxday oo dad badani u yaqaaneen magaca ah quruxda fanka Soomaaliyeed, iyadoo ahayd fannaanadii ugu da’da yarayd ee ku biirta waaberi hadana waxa ay ahayd xidig ka dhex ifaysa Waaberi tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Somalia. Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay riwaayado badan Sahra ay ku dib ugu dhigtay dalka Jabuuti, iyadoo markii danbana dhinacaa iyo qurbaha u kicitintay, halkaasi oo in muddo ah ay ku noolayd.
Sahra Axmed Jaamac oo ahayd waayeelka Fanka iyo hiraalka fanka Soomaaliyeed ee lagu daydo, waxay iska kaga tagtay 11 Caruur ah, waxaanay ka mid tahay fanaaniinta ugu caruurta badan.
Dhinaca kale, waxa tacsi u diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka tacsiyadeeyey bahda fanka iyo suugaanta.
“anigoo ku hadlaya magacayga, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Fanka iyo Suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd Marxuumad Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2018, magaalada Hargeysa.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ku sifeeyey hooyo ka baxday bahda fanka iyo suugaanta, magac iyo sumcadna ku lahayd bulshada ku hadasha afka Soomaaliga meel ay joogaanba, marxuumadu waxay fanka ku soo biirtay, 1969kii.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo Suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo ku hadlaya magiciisa ka xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisaba waxaa uu tacsi u diray bahda Fanka,qoyskii qaraabadii iyo ehelkii ay ka baxday Marxuumad Fannaanad Sahra Axmed Jaamac oo shalay aas qaran lagu sagootiyay.
Marxuumad Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd hooyooyinka Fanka Soomaalida isla markaana muddo haaf qarni ku siman ku soo jirtay bahda Fanka Soomaalida ayaa ahayd Fannaanad caan ah oo laga wada yaqaano guud ahaan dalalka Soomaalidu ay degto iyo guud ahaan caalamka ay Soomaalidu doolka ku tagtayba.
Aaska qaran ee lagu sagooyiyay Marxuumad Fannaanad Sahra Axmed Jaamac oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland, madaxda asxaabta qaranka ,xildhibaano culimo aydiin, fannaaniid iyo dadweyne aad u tiro badan,ayaa dadkii ka hadlay taariikh nololeedkeeda waxaa ka mid ahaa Abwaan Maxamed Aadan Dacar oo ay is barteen dhammaadkii lixdamaadkii oo ay fannaanadu dhigtay riwaayaddii ugu horraysay ee ay ka qayb qaadato,riwaayaddaas oo la odhan jiray Garashaa Garab Wayday Hadse Mooyi La Gaadhi oo uu curiyay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.
Abwaan Dacad oo ka haldayay shaqsiyaddii Marxuumad Fannaanad Sahra Axmed waxaa uu yidhi. “waxay ahayd qof aan la heli karin oo karti badan karti ayaanu ALLE u dhaliyay,waxaa kaloo ahay ahayd Sahra Axmed ubad koriya iyo hooyo wanaagsan ubad badan ayay dhashay oo korisay oo ay iyadu u shaqayn jirtay oo ay noloshooda xannaanayntoodaba ay iyadu lahayd. Waxay dad badan dheerayd naxariista oo waxay ahayd oqf aad u qalbi jilicsan oo naxariis badan oo idinkooaan waxbaba hayn ayay odhanaysa waar intan aynu kan siino oo marba qofka jilicsan ayay ogaal u ahayd.”
Abwaan Saxardiid Maxamed Jabiye oo ka hadlay geerida Marxuumad Sahra Axmed Jaamac ayaa ku sifeeyay in ay ahayd hooyo naxariis badan oo dhiiri gelin jirtay dhallinyarada isla markaana gacan qaban jirtay cid kasta oo jilicsan.
Marxuumad Fannaanad Hooyo Sahra Axmed Jaamac ayaa ka mid ahayd hablaha foolaadka Fanka Soomaaliya iyadoo soo dhigtay riwaayado badan oo ay curiyeen abwaano kala duwan oo ka mid ah hal-abuurka Soomaalidu waxaana agu sheegaa in ay tahay habka heesa inantii ugu heesaha badnayd taasoo ay sabab u ahayd dedaal iyo karti ay filkeed dheerayd sida uu qiray Abwaan Maxamed Aadan Dacar.
Marxuumad Sahra Axmed ayaa ka mid ahayd fannaaniintii ka soo qayb qaatay dib u xorranta Somaliland isla markaana tacabka weyn galiyay dib u dhiskii iyo heshiisiintii beelaha Somaliland
Marxuumad Sarha Axmed ayaa ifkakaga tagtay 28 unad ah o isugu jira intay dhashay iyo waxay sii dhaleen

Alle ha u naxariisto Maurxuumad Fannaanad Sahra Axmed Jaamac oo shalay lagu aasay xabaalaha dhinaca bari e magalaada Hargeysa qoyskii,qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee ay ka baxdayna ALLE samir iyo Iimaan ha ka siiyo
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland











