Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Shirweyne Caalamiya oo Lagaga Hadlayo Qadiyadda Somaliland oo Hargeysa ka Furmay iyo...

Shirweyne Caalamiya oo Lagaga Hadlayo Qadiyadda Somaliland oo Hargeysa ka Furmay iyo Qudbadihii Laga Jeediyay

0
483

Hargeys(Xogsoor Media.Net):- Shirweyne caalamiya oo lagaga hadlayo qadiyadda Somaliland  oo ay ka soo qayb galeen wufuud  badan oo ka kala socday dalal badan oo caalamka ka mid ah,ayaa maanta ka furmay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay isla markaana ay marti gelisay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland,ayaa lagaga hadlayay 27-ka sano ee ay Somaliland ahayd dal madax bannaan oo la soo noqday xorriyaddiisii waxyaabihii u qabsoomay iyo guulaha ay ku tallaabsatay.

Waxaa kale  oo wax la iskaga waydiinayay caqabadaha hor taagan in Somaliland ay aqoonsi ka hesho caalmka oo dalka la ictiraafo.

Furinaatnkii shirweynaha oo ay ka soo qayb galeen aqoonyahanno reer Somaliland ah asxaabta qaranka iyo wufuud ka kala socda in ka badan 20 dal oo ka kala yimi dhammaan qaaradaha adduunka,ayaa waxaa ka qayb galay oo furintaankii qudbad ka jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse  Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah shirweynahan u daah-furay, ayaa isaguna ku dheeraaday sidii ay shacabka reer Somaliland ugu soo dhabar-adaygeen inay noqdaan qaran taabbo-gal ah oo isku filan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Somaliland waxa ay taariikhda ku gashay inay tahay dalka qudha ee gudihiisa kaligii taliye kula dagallaamay ee uu u adeegsaday inuu diyaarado ku dumiyo magaalooyinkii ee haddanna ka guulaystay adkaysigooda iyo niyad-adaygooda birta ah.  Waxa kale oo ay Somaliland taariikhda ku gashay in iyada oo dagaalka intaas le’egi ku dhacay oo dadka colaad lagu dhex abuuray inay haddana iyadu dhisto dawladnimo iyo midnimo iyada oo aan cid kale u oggolaan inay soo faro-geliyaan”.

Shirweynahan lagu gorfaynayo guulihii ay Somaliland gaadhay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadaha ka horyimi, ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxana lagu wadaagi doonaa aragtiyo aqoon ku dhisan oo la xidhiidha sidii looga gudbi lahaa wax kasta oo lugta qaban kara hiigsiga fog ee qarankani leeyahay.

Haddaba halkan hoose ka daawo

 

Xogsoor media.net

Abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here