Berbera(Xogsoor Media.Net):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay wajiga koobaad ee ballaadhinta iyo casriyaynta dekeda Berbera oo ay maal gelinayso shirkadda DPWorld.
Waxaanu sheegay n marxalado badan oo kala duwan uu heshiiskaasi soo maray isla markaana uu Somaliland ka aburay buuq iyo hadalo badan taaso uu sabab uga dhigay in wax kastaaba marka ay cusub yihiin dadku hore u liqi kari waayaan.
![]()
![]()
Waxaanu bulshada reer Somaliland kula dar daarmay in ay so dhaweeyaan cid kasta oo dalka Somaliland aaminta oo maal gashanaysa,isagoo si gaar hana ugu mahadnaqay shirkadda DPW oo iyadu maal gashatay dekeda Berbera oo heshiis la gashay xukuumadda KULMIYE. gaar ahaan xukuumaddii uu hoggaaminayay madaxweynehihii hore ee Somaliland ee isla xisbi xaakimka talada haya ee Kulmiye Axmed Siilaanyo.
Waxaanu intaa raaciyay mudane Saylici in ballaadhnta iyo casriyaynta dekeda Berbera ay wax weyn ka tarayso koboca dhaqaale ee Somaliland iyo isku xidhka mandaqada geeska afrika.
![]()
Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan hoose ka daawo.
Xogsoor media.net
Hargeisa Somaliland










