Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Burco: Shil Gaadhi oo Sababay Qasaare Dhimasho iyo Dhaawac

Burco: Shil Gaadhi oo Sababay Qasaare Dhimasho iyo Dhaawac

0
557

Burco(Xogsoor Media.Net): ALLE ha u naxariistee Sideed qof ayaa ku eeriyooday laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen Shil laba gaadhi oo isku dhacay deegaanka Yiroowe ee duleedka bari ee magaalada Burco.

kadib markii  booyad iyo bas caasi ah   oo ay leedahay Shirkadda Bixin isku dhaceen caawa.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Burco,  Dr. Cabdi Suudi ayaa Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA u xaqiijiyey khasaaraha ka dhashay shilkaas, waxaanu tilmaamay in la soo gaadhsiiyey meydka  toddoba qof oo saddex dumar yihiin.

Agaasimaha Cisbitaalka Burco waxa uu intaas ku daray in saddex  nin oo  ku dhaawacmay   shilkaas,  in mid ka mid ahi uu geeriyooday sidaasna dhimashadu ay ku noqonayso 8 qof halka dhaawucuna uu yahay laba.

Siduu ku soo warramay Weriye ka tirsan Wakaallada Wararka ee SOLNA, waxa  baabuurka booyada ahi uu ka tagey magaalada Burco, halka baska Shirkadda Bixin uu ka yimi gobollada bariga Somaliland.

Xigasho Solna

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargesa Ofice

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here