Garoowe(Xogsoor Media.Net):- Garaad ka mid ah madaxdhaqameedka soo xulayay xildhibaanada baarlamaanka Maamul goboleedka Puntland,ayaa ku hanjabay in uu Somaliland u soo gelayo oo uu ka tegayo Puntland isaga iyobeesha uu garaadka u yahaynaba aanay dib uga mid ahaanayn Puntland oo uu sheegay in la musuq maasuqay doorashadii Baarlamaanka Puntland isla markaana la foojari gareeyay shaambadiisii iyo saxeexiisii.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamuud Garaad Maxamed Wuxuu ku cel celiyay inaan la dhaarin karin lana ansixin karin xubno shan ah oo uu soo xulay illaa inta ay ka wada hadlayaan ee ay ka heshiinayaan musuq maasuq uu sheegay in ay ku kaceen gudida doorashadu.
Waxaa kale oo uu si wayn u eedeeyay gudida doorashada Puntland oo uu sheegay in ay musuq maasuq yihiin.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@gmail.com
Hargeisa Somaliland











