Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Fadliga Bisha Ramadaan iyo Ka Faa’iidaysigeeda

Fadliga Bisha Ramadaan iyo Ka Faa’iidaysigeeda

0
560

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guud ahaan shucuubta Islaamka waxaa u bilatay oo caawa u bilaabantay curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Ramadaan oo ah Fursan aad qaali ugu ah dhammaan ummada Islaamka ah,  iyadoo acmaasha wanaagsan ee qofka Muslimku uu qaban jiray loo baahan yahay in la sii laban laabo oo laga siii kordhiyo intii hore qofku u qaban jiray.

Waxaa kale oo Bisha Ramaaan waxyaabaha ajarka badan laga helo ka mid ah qofka ALLE wax siiyay ee Muslimka ah ee cibaadadiisii gudnaya in uu walaalihiisa kale ee muslimka ah ee aan waxba haysan in uu wax siiyo oo uu kordhiyo sadaqaddii uu bixin jiray oo ay gacantiisu furnaato.

Haddaba waxaan halkan idiinku so gudbinaynaa Muxaarado ka hadlaysa waxyaabaha loo baahan yahay in aynu qabano Bisha Barakaysan ee  Ramadaan innagoo ALLE ajar kaga doonayna oo Rabbi ugu dhawaanayna.

Muxaadaradan oo Ramaan curashadeeda ka hor uu jeediyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Daawasho wacan.

Muxaadarooyinka iyo casharada diiniga ahina wuxuu inoo noqon doonaa kuwo Joogto ah Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here