Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa hashimo sharafeed ku maamuusay Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Mr Olusegun Obasanjo oo booqasho rasmi ah iyo casuumad uu ka helay xukuumadda Somaliland dalka ku yimi.
Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, ahna guddoomiyaha Hay’adda Brenthurst Foundation oo waddamada qaaradda Afrika ka caawisa arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa si weyn uga mahadnaqay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo midnimada ka muuqata qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweyne Obasanjo, waxa uu sidoo kale sheegay in sababta uu Somaliland u yimi salka ku hayso sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladda dhabta ah ee halkan ka jirta, isaga oo shacabka Somaliland iyo xukuumaddoodana ugu baaqay inay sii adkeeyaan xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen, waxana uu yidhi, “Waxannu halkan u nimi inaan aragno oo indho indhayno oo aannu dhegaysanno, ilaa imikana waxannu aragnay waxyaabo waaweyn oo aad qabsateen, waxad haysataan nabad, ammaan iyo horumar, waxana aan idinku dhiirrigelinayaa inaad sii joogtaysaan.”
Madaxweyne Obasanjo oo maanta kasoo degay garoonka Cigaal International ee magaalada Hargeysa, kuna soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, maayarka caasimada, gudoomiyaha xisbiga UCID iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo kale booqasho ku tegya xarumaha golaha wakiillada iyo maxkamadda sare, waxana uu halkaas kulamo kula qaatay shirguddoonka Barlamaanka iyo hoggaanka waaxda garsoorka qaranka Somaliland.
Dhinaca kale Madaxweyneha Somaliland waxaa uu xafiiskiisa kula qaatay kulan ay labada Madaxweyne wada yeesheen isagoo Madaxweyne Muuse uga warramay hannaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka hana qaaday iyo geeddi socodka nabadda ee ay dalka ku dhisteen dadkiisu.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland











