Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa sheegay in ay si wayn uga soo horjeedaan in xukuumaddu booliska si qaldan ay u adeegsato oo si sharciga baalmarsan in ay u adeegsatay.
Waxaa kale oo uu sheegay in ka xisbi Waddani ahaan in aanay ka waabanayn in ay dhaliisha xukuumaddu ay leedahay in ay ka hadlaan.
Waxaanu u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisu in ay sharciga u hoggaansato oo ay illaaliso sharciyadda dalka.
Hoggaamiye Xirsi,ayaa sidaa ku sheegay shir saxaafadeed ay maanta ku qabteen masuuliyiin uu ka midyahay xisbiga WADDANI.
Haddaba warkaas oo dhammaystisan halkan ka daawo.











