Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa qodobeeyay guulaha Somaliland kala soo hoyatay socdaal shaqo oo wefti ballaadhan oo u hoggaamiyanaa ay ku tageen dalka Galbeedka Afrika ee Guinea.
Waxaanu Madaxweyne Muuse oo la hadlayay kumanaan dadweyne ah oo maanta isugu soo baxay soo dhawaynta weftiga uu hoggaamiyay uu sheegay in maanta qadiyadda aqoonsiga Somaliland la hor geeyay Shirka Midawga Afrika isla markaana socdaalkii ay ku tageen dalka Guinea uu ahaa socdaal aad iyo aad loogu soo dhaweeyay dalkaas isla markaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya xidhiidhka labada dal iyo wada shaqayn joogto ah oo ay wada yeeshan Somaliland iyo Guinea.
Waxaanu intaa raaciyay in ay jiraan dalal carqalad ku ah madaxbannaanida Somaliland isla markaana dalkii ay tageen cadaadis saaray,isagoo caddeeyay in aanay Somaliland joojinayn xidhiidhka ay caalamka la leedahay.
Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan ka daawo
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland











