Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey “Dadkeenu Wuu Midaysan Yahay Ictiraafkuna waa Halkaa oo Looga sii Dhawaado.” Faysal...

“Dadkeenu Wuu Midaysan Yahay Ictiraafkuna waa Halkaa oo Looga sii Dhawaado.” Faysal Cali Waraabe

0
523

Hargaysa(Xogsoor Media.Net):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal  Cali Waraabe,  ayaa uga mahadnaqay dalka Jamhuuriyadda  Guinea sidii ay usoo dhaweeyeen weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Muuse  Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe,waxaa kale oo uu intaa ku daray in dadka Somaliland mid yahay oo ay ka midaysan yihiin taageerada iyo is garab taagga  ay Madaxweynaha ku garab taagan yihiin socdaalkii  shaqo ee dhawrka maalmood qaatay ee   madaxweynaha iyo weftigiisu maanta kaga  soo noqdeen dalkaas iyo waddamo  kale oo afrika ah

 

Guddoomiyaha UCID  oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu soo dhawaynayay  weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland,ayaa yidhi.“Maanta(shalay) waa maalin wayn  gidaar wayn ayaynu jabinay waxaynu u mahadnaqaynaa wadanka Guinea iyo dadkiisa sida gobanimada leh ee ay usoo dhaweeyeen weftigii Madaxweynuhu hoggaaminayay, wadamada kalena waxaan leeyay ku soo dhiirada oo wadadaa mara dawlad Somaaliyeed oo habradaa majirto  dawladi kama jirto Soomaaliya,labo dal ayaynu ahayn Somaliland  iyo  Soomaaliya,”.

Waxaanu intaa ku daray Guddoomiye Faysal isagoo hadalkiisa sii  wata in dadka Soomaaliya ee cadaawadda u haya Somaliland in ay yihiin inta fadhida Fiilo Soomaaliya oo ka xun horumarka Somaliland iyo waxay qabsatay laakiin aanay kula socon dadka Soomaaliya oo dhammi. “Hadaynu reer Somaliland nahay waxaynu wax ku dhisanay midnimo iyo isku tanaasul oo aan halkan ku soo gaadhnay ictiraafkeenuna waa halkaa oo looga sii dhawaado,dadkeenu maanta waa midaysanyahay waxa ina mideeyay cadaawada iyo xasadka dadkaa Soomaaliya qaar kood Soomaaliya oo dhan maaha waa in yar oo vila Soomaaliya fadhida.”.

Haddaba hadalka Guddoomiye Faysal oo  Muuqaal ah halkan ka daawo

 

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here