Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Daawo Muuqaalada Soo Dhawaynta Weftiga Madaxweyne Muuse oo Farriin u ah Dawladda...

Daawo Muuqaalada Soo Dhawaynta Weftiga Madaxweyne Muuse oo Farriin u ah Dawladda Farmaajo

0
541

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Soo dhawayn aan ka suura geli  karin dalal badan oo afrika ah ayaa maanta lagu qaabilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti ballaadhan o uu hoggaaminayay oo safar shaqo oo dalka Gini iyo dalal kale ay ku soo mareen soo dhammaystay.

 

Soo dhawaynta weftiga Madaxweyne Muuse ay ku qaabileen guud ahaan shacabka caasimadda Hargeysa ayaa ahayd mid aan loo kala hadhin isla markaana ahayd mid siyaabo kala duwan aan uga suura gali karin dalal badan oo qaarada Afrika ah,kuwaasoo ay duruufo kala duwan oo Somaliland aan ka jirin ay u diidayaan in sidan oo kale madaxweyneyaashooda ay u soo dhaweeyaan.

   

Marka laga eego dhanka ammaanka ayaanay dalal badan suura gal ka ahayn in sidan oo kale loosoo dhaweeyo Madaxweyneyaashooda oo aan kalsooni ku qabin in shacabkoodu farxad ugu soo baxayaan halka dalalka gaarna aanay suuragal ka dhigayn shacabka ooaan iskuba hawlayn in ay u soo baxaan madaxweyne aanay dooran oo xoog ku qabsaday ama cid kale usoo cumaamaday.

 

Haddaba daawo sida cajiibka ah ee madaxweyne Muuse iyo weftigiisa ay u soo dhaweeyeen shacabka Somaliland mucaaric iyo Muxafid cirroole iyo carruur culimo iyo codkar,taasoo farriin cad u ah madaxda Muqdisho.

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here