Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey “Dawladdan Muuse Ka Suurto Geli-mayso In La Boobo Hantidda Qaranka” Wasiirka Gadiidka...

“Dawladdan Muuse Ka Suurto Geli-mayso In La Boobo Hantidda Qaranka” Wasiirka Gadiidka iyo horrumarinta Jidadka

0
465

Hargeysa  (Xogsoornews.com):- Wasiirka Gadiidka iyo horrumarinta Jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay inay jiraan Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo Xukuumddii hore Xilal ka hayay ay Shacbiga ku jaah-wareerinayaan waxyaabo aan jiran, isla-markaana ahaa kuwo boobay Hantida qaranka waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Wasiirka Gadiidka iyo horrumarinta Jidadka oo waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay ku guulaysatay Shaqaalaysiinta Dhalinyardda iyo hirgelinta Mashariic horrumaneed oo dalka ka hir-galay, waxaanu Wasiirka hadalkan ka sheegay Munaasibad loo qabtay Gadiid cusub oo Wakaallada Biyaha Hargeysa yeelanayso.

 

“Waxaanu aragna Niman mucaarid ah oo inta badan reer Berbera ah oo Niman aanu Saaxiib nahay,oo Masuuliyiin ahaa Xisbigana (KULMIYE) ka tirsanaa  oo maal-mahan oo dhana hadlayay. Nimankaasi  Nidaamkii dawladdanimada ee ay dalka ku hayeen bay dalka ku boobeen, welina waxay u tagan yihiin siday u booby lahaayeen Dawladdan Muuse ka suurto-geli mayso in la boobo Hantidda qaranka.” Ayuu yidhi Wasiirka Gadiidka iyo horrumarinta Jidadka Somaliland.

 

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Masuul ka mid ah oo shalay hadlayay wuxuu ka mid yahay Ninka saddexaad ee Berbera ugu Dhulka badan, Gurigii Somalia Airline-ta ee ee Hay’adda Duulistu lahaan yeelan lahayd ayuu haystaa, Waxa weeyaan dadka noocaas ah markay yidhaahdaan waxba lama qaban oo Lacag-baa la urursaday, Hal Mitir oo Dawladda Muuse Biixi cid ku wareejisay cidna ka iibisay ma jirto. Markaa Waxaanu jecelnahay Siyaasadeeddna iyo Mucaaridnimadeenu inay noqoto mid xaqiiqada ku dhisan, Laakiin mid Golle ka fuul ah oo Qof Taariikh xun oo la og-yahay oo Nidaamkii Dawladnimadda inuu Hanti badan ku booboo oo Fooqyo ku dhisto inuu maanta yidhaahdo Xukuumaddu Lacagihii Bakhaaray ku xaraysatay, Runtii waa arrin aad u hooseeya.” Ayuu yidhi Wasiirku

 

 

Wasiirka Gadiidka iyo horrumarinta Jidadka, waxa uu intaas ku daray “Dadka Somaliland waa kuwo %45 wax akhriya waxna qora, qiimayntu waxay ka iman-doontaa Shacabka. Annagu haddii aanu nahay Xukuumadda bal hanala yidhaahdo waxaa aad sheegaysaan waxba kama jiraan  laba kun iyo shan boqol oo Shaqaale ah lama shaqo-galiyeen oo kun iyo shan boqol oo ka mid ahi waxay ahaayeen shaqo qara, saddex boqol oo kale waxay ahaayeen kuwii Gobollada loo qaybiyay, Todoba boqol ku dhawaad waxay ahaayeen kuwii Tabireeiga ee meesha  joogay markaa ha la yidhaahdo waxaasi ma jiraan.”

 

 

HALKANA KA DAAWO WARKAN.

 

 

Xogsoornews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here