Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Gollaha Sare Ee Agaasinka Baanka Somaliland

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Gollaha Sare Ee Agaasinka Baanka Somaliland

0
512

Hargeysa  (Xogsoornews.com):-  Madaxweynaha Somalilnd Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan magacaabay golaha sare ee Baanka Somaliland.

Image result for madaxweyne biixi

Ma jiro war rasmi ah oo lagu baahiyay wareegtada Madaxweyne Biixi, laakiin ilo xogogaal ah ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi oo tixraacaya xeerka Baanka uu magacaabay 8 xubnood oo ka mid noqon doona golaha sare ee Baanka, waxaana xubnahan si toos ah uga mid noqon doona saddexda xubnood ee fulinta Baanka oo kala ah guddoomiyaha, guddoomiye-xigeenka iyo agaasimaha guud ee Baanka.

 

Sida ay wararkan xogogaalka ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay, 8-da xubnood ee uu Madaxweyne Biixi u magacaabay golaha sare ee Baanka JSL, oo badankoodu dalka dibadiisa kala jooga ayaa kala ah

 

    Axmd Cali Qaasaali

    Maxamed Sheekh Xasan Taani

    Maxamed Cabdi Ibraahim

    Cismaan Sheekh Axmed

    Cali Axmed Cismaan

    Maxamuud Cawil Ibrahaim

    Xuseen Cabdillahi Jaamac

    Mustafe Cali Jaamac

 

Xeerka  Baanka ayaa qoraya in xubnaha golaha sare ee Baanka JSL ay tiradoodu noqon doonto ugu badnan 8 xubnood. Xubnahan uu magacaabay waxa ku jira guddoomiyihii hore ee Baanka JSL Maxamed Cabdi Ibraahim iyo la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.

 

 

Xogsoornews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here