Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey “Waxa La Moodaa Inaynu Wada Militeriga Noqonay, Oo Madaxweynihii…” Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI

“Waxa La Moodaa Inaynu Wada Militeriga Noqonay, Oo Madaxweynihii…” Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI

0
507

Hargeysa  (Xogsoornews.com):- HogGaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu dalkii wada qabsadeen Militeri,isla markaana ka codsaday inay dadka u dhibirsanaadaan oo aanay ku qaban gacan adag.

Image result for Hogaamiyaha xisbiga WADDANI

 

Xirsi  Cali Xaaji Xasan Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI waxa kale oo uu ayaa sheegay in xilalka ugu waaweyn ee dalka loo wada dhiibay Militeri, waxaanu tilmaamay in militeriga loogu tallogalay cadowga balse muwaadiniintu aanay u baahnayn gacan adag.

 

“Waxa la moodaa inaynu wada Militeriga noqonay, oo madaxweynihii waa Militeri, Wasiirkii arimahaa guduhu waa militeri, taliyihii ciidanka waxa loo soo bedelay taliye militeri ah, Taliyihii ciidanka asluubta waxa laga dhigay taliye militeri, militeriga cadowga loogu tallogalayey gacantii adkayd ee militeriga hoos u dhiga.”ayuu yidhi Xirsi

 

Sidoo kale, waxa uu soo jeediyey in ciidanka mushaharrka loo kordhiyo maadaama ay yihiin ciidanka Somaliland kuwo ugu mushaharka yar ee duruufta adag ku shaqeeya.

 

Hadalka Hoggaamiye Xirsi waxa ka jawaabay Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin, waxaanu sheegay in dalalkiii ay soo hoggaamiyeen Militerigu ay meel fiican geeyeen, waxaanu tusaale usoo qaatay madaxweyneyaal militeri ahaa iyo halka ay gaadhsiiyeen.

 

“ Xirsi marka uu Militeriga la hadlayey inta kale wuu nagu toosinayee aniga iyo madaxweynaha ayuu ujeeday, waxaase ka maqan taariikhda aduunka ee dawladnimo iyo hogaaminta aduunyada raga qaabeeyey inay ahaayeen rag Militeri ah, Faransiiska, Ingiriiska, Maraykanka iyo dalalka horumaray madaxweyneyayaashii militeriga ahaa ee xukunka qabtay ayaa wax ka dhigay, barigii Militeriga Soomaaliya qabsaday kuwii ka dagaalamay baanu ahayn ee dadlka u dagaalamay, imikana ma gacan kululin cida maalin walba la hadal hayo waa anaga oo wali may dhicin inan yar iyo gabadh yar oo wax naga sheegtay in aanu maxkamdaha taagno ” , isagoo arrintaasi u jeeday Hogaamiye Xirsi oo markii uu wasiirka madaxtooyada ahaa xidhay gabadh wax ka sheegtay oo uu illaa maxkamadda la isla gaadheen.

 

 

Xogsoornews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here