Hargeysa(Xogsoornews.com):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa ka hdlay isbedelada caalamk ka socda oo uu tusaaleyaal kala duwan u soo qaatay dacwadda Madaxweynaha Maraykanka,ka bixitaanka midawga Yurub ee Ingiriiska xaaladda bariga dhexe,muranka siyaasadeed ee ka taagan dalalka Khaliijka.
Waxaa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland ka hadlay khilaaf siyaasiya oo uu sheegay in uu ka dhex jiro madaxda ugu sarraysa dalk Kiiniya,isbedelka ka socda Itoobiya iyo qalalaasaha ka oogan Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka Somalland oo u sheegay in ay isku raacsan yihiin asxaabta qaranka,goleyaasha qaranka iyo dadweynaha reer Somaliland ba in ay qabsoonto.
Waxaanu intaa raaciyay in ay diyaar u yihiin ka xukuumad ahaanna in ay qabsoonto isla markaana waxyaabaha yar yar ee jirana ay si wada jir ah u dhammaysan doonaan asxaabta qaranku.
Waxaa kale oo uu Madaxweyne Muuse maanta u ku dhawaaqay 750 billadood oo kala duwan oo la siinayo isla markaana qaranku ku maamuusay shaqsiyaad ka tirsan ciidamada kala duwan ee dalka oo mutaystay abaalmarin,waxaanu sidaa ka sheegay munaasibadda sannad guurada 26-aad ee aasaaska ciidanka qaranka oo maant lga xusay Somaliland.
Haddaba qudbaddii Madaxweynaha oo dhammaystiran halkan ka daawo.

Xogsoornews.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Hargeisa Somaliland











