Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Cammuud Foundation oo Dabooshay Baahi Caafimaad Hirgelisayna Qalliimo Bukaan oo Lacag la.aan...

Cammuud Foundation oo Dabooshay Baahi Caafimaad Hirgelisayna Qalliimo Bukaan oo Lacag la.aan ah

0
345

Borama(Xogsoormedia.com):- Hay,adda Cammuud Foundation,ayaa dabooshay baahi Caafimaad oo ay u jiifeen boqolaal bukaan ah oo aan awoodayn dhaqaale ay isku daweeyaan ka dib xaaladooda Caafimaad oo qalliin u baahatay.

Cisbitaalka Al xayaad ee magaalada Boorama ayaa fuliyay Qalliimo kala duwan oo loo sameeyay dad bukaan ah oo jilicsan oo aan awoodayn dhaqaale ay Qalliimo Caafimaad ku salaan.

Qaliimada kala duwan ee Cisbitaalka Al xayaad uu fuliyay ayay dhamaan dhaqaaalaha ku baxay ay maal galisay hay.adda Cammuud Foundation.

Waxaana si wayn uga mahad naqay qaar ka mid ah dadka danyarta ah ee qaliimada kala duwan loo sameeyay.

Xidhiidhiyaha guud ee Cammuud Foundation ee geeska Afrika Proff: Axmed Cabdi Askar,ayaa faah faahin ka bixiyay qaliimada ay dadka danyarta ah ka bixiyeen qarashka Qaliimada.

Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan ka daawo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here