Xildhibaan Aqoonsiga Somaliland u Ololeeya oo Jabuuti Laga Mastaafuriyay

0
51

jabuuti(Xogsoornews.cpm):-Xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ingiriiska ayaa sheegay in laga celiyay safar uu ku tagay dalka Jabuuti sababo la xiriira xiriirka dhow ee dalka ku yaalla bariga Afrika uu la leeyahay Shiinaha.

Tim Loughton, oo ah xildhibaanka laga soo doorto East Worthing iyo Shoreham, ayaa sheegay in la xiray in ka badan 7 saacadood, lagana mamnuucay inuu galo Djibouti horaantii bishan.

Mr Loughton, oo Shiinuhu cunaqabatayn saaray 2021, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid “kalinimo iyo cabsi badan”.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Waxaan ka mid ahaa wafdi ka yimid Somaliland oo dooneyay in ay hesho aqonsi caalami ah, waxay Somalia ka go’aday 1991dii, aniga waxaan soo marayay Jabuuti laakii inta kale saaxibadey Adis-ababa ayey mareen. Waxaan kulan la lahaa safiirka si aan xog uga siiyo Somaliland. Waxaan wadanka joogi lahaa ku dhawaad 36 saacadood.”

“Waan imid. Diyaaradda ayaan ka dagay si aan fiiso u helo kaddibna aan ula kulmo qofkii ii qaadi lahaa hotelka. Markaas ayey dhibaatadu bilaabatay. Markii ay sawireen basaboorkeyga waxay I weydiiyeen waxaan qabto. Waxaan u sheegay in aan xildhibaan ahay markaas ayey xaaladda xumaatay. Kaddib meel gees ah ayey iga fariisiyeen hoolka laga soo dego. Qof kasta oo diyaardda saarnaa wuu baxay. Halkaas ayaan saacad