Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb Galay Aas Qaran oo lagu Sagootiyay...

Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb Galay Aas Qaran oo lagu Sagootiyay Afar Caruur walaalo ah oo la gubay

0
266

Hargeysa(xogsoornews.com):-Madaxweynaha JSL.Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.ayaa maanta ka qayb galay aas qaran oo lagu saootiyay afar caruur ah oo aabbohood ku gubay magaalada Hargeysa.Madaxwaynaha JSL, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa galinka danbe ee maanta ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyey Afar caruur ah oo aabahood ku gubey magaalada Hargeysa Axaddii todobaadkan.
Afartan caruur ah ee aaska loo saameeyey ayaa kala ahaa Saddex wiil iyo gabadh da’doodu ka yar tahay 10 sanno. Madaxwayne Cirro ayaana shalay sheegay in xukuumaddiisu garab taagan tahay qoyskaas ay dhibaatadu ku dhacday.