Hargeysa(Xogsoornews.com):- Guud ahaan waxaa saaka si rasmi ah uga bilaabmay imtixaanka.shahaadiga ah ee fasalka afraad ee dugsiyada sare iyo 8 aad ee dugsiyada dhexe.imtixaanka shahaadiga ah oo si nabadgelyo ah uga wada format dalka ayaa loo dhammaystiray wax kasta oo suura gelinayay in imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 4aad ee dugsiyada sare iyo 8 aad ee dugsiyada dhexe dalka si rasmi ah uga wada bilaabmaan saaka.deegaanada fog fog ayay sidoo kale ka bilaabmeen guud ahaan gobolada jamhuuriyadda Somalilland.
Xafiiska imtixaanaadka qaranka ayaa sidoo kale kormeerro ku maraya dugsiyada imtixaanaadku ka socdaan.geesta kale ciidamada ammaanka ayaa si wayn uga hawl galay dugsiyada imtixaanka lagu qaadayo.waxaana talooyin iyo waano ardayda u jeediyay oo dhamaan dugsiyada laga wada maqlayay cod baahiyeyaal uu ardayda kula dar daarmayay guddoomiyaha xafiiska Imtixaankaad qaranka Somaliland Daa,uud














