Monday, August 3, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey “Shirkan haka soo Baxaan wax Somaliland na ka Farxiya Cadawgeedana ka nixiya.”Guddoomiyaha...

“Shirkan haka soo Baxaan wax Somaliland na ka Farxiya Cadawgeedana ka nixiya.”Guddoomiyaha gobolka Selel

0
43

Geerisa(Xogsoornews.com):- Guddoomiyaha gobolka Selel Axmed Cabdilaahi Maxamed,ayaa hadal dardaaran iyo waani ah ka jeediyay furitaanka shirka nanabadda beelaha galbeedka Somaliland oo ka furmay maanta Geerisa.

Guddoomiyaha gobolka Selel ayaa sheegay in shirku yahay shirkii walaalaynta nabadaynta iyo dad isu keenidda,waxaanu usoo jeediyay odayaasha labada dhinac iyo guud ahaan bulshada deegaankaba in markasta laga shaqeeyo wanaagga iyo nasteexa bulshada.

Guddoomiye Axmed oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi.” Waxaa la leeyay shirkan maxaa kasoo baxaya waxaan leeyay shirka haka soo baxaan wax Somaliland na ka farxiya cadawgeedana ka nixiya, shirkan waxaa loo bixiyay Samawade laakiin haddaanu nahay gobolka Selel waxaan ula baxnay shirkii walaalaynta dad isu keenista iyo midnimada.”

Waxaanu ku boorriyay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo isu keenista umadda isla markaana meel looga soo wada jeesto cid kasta oo nabad gelyada lid ku ah.