Hargeysa(Xogsoornews.com):-Cisbitaalka guud ee Hargeysa,ayaa ka war bixiyay dhacdo dhimasho ah oo ka dhacday cisbitaalka guud ee Hargeysa ka dib markii hooyo Cisbilaaka ilmo ku umushay oo dawayn ilmaha ah cisbitaalka u jooogtay ay is del deshay.
Agaasime ku xigeenka Cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr Cabdiraxmaan Cabdisamad Ibraahin oo warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay in hooyada is del deshay ay Cisbitaalka guud si caadi ah u timi iyadoo xaamilo ah kuna umushay isla markaana dhakhtarka u joogtay ilmaha oo u baahnaa ogsajiin isla markaana loo gudbiyay qaybta caruuurtaas adeegga caafimaad loogu fidiyo.
Waxaanu xusay Dr Cabdiraxmaan in ay isla markiiba qoyska ka tacsiyeeyeen geerida hooyada
Waxaanu intaa ku daray in aanay jirin wax duruuf dhaqaale ah oo hooyada ka jirtay xageeda ama cabasho ay soo gaadhsiisay cisbitaalka guud oo wax lagala qaban waayay.
Dr Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale ka jawaabay su,aalo arrintaa warbaahintu ka waydiisay.haddaba warkaas oo dhamaystiran halkan ka daawo











